Gudida Nabad Gelayda Waa In Loo Raaciyaa Isusoo Jiidka Qurbajoogta.

Wednesday January 22, 2025 - 20:24:51
Hadhwanaag
Gudida cusub ee nabaddu waa inay intaanay shaqoba bilaabin.....



Runtii arinkaa Gudida Nabadgelyada Madaxweynuhu wuu assiibay, waa marka talo la helaabaa arin la helaa.

 

Badi ummaddu markay Guddi Nabadgelyo maqlaan waxaa madaxyadooda ku soo dhacaya, Suldaano, Cuqaal, odayaal wasiiro iyo qabaail, way saxan yihiin waayo waa waxay soo arkayeen weligood markay guddi nabad gelyo maqlaan. Laakiin nabad gelyada Reer SomalilandU Baahan Yihiin Tii La Yaqaannay Oo Qudha Maaha Waxay U Baagantay (Abroach) Cusub Oo Ka Xeel Dheer Kii Aynu Naqaanay.


 

Gudida cusub ee nabaddu waa inay intaanay shaqoba bilaabin barnaamij shirara qaataan oo is fahmaan oo dejiyaan shaqadoodu siday u kala horaynayso.


 

Waa inay marka horesameeyaan Guddiyo hoos yimmaadda oy ka mid yihiin gudida dhalinyarada ee magaalo, gudida suldaanada ee guud. Gudida haweenka ee guud, gudida ardayda jaamacadaha ee guud.


 

Gudida wax akhriga iyo wax qoridda ee Somaliland.


 

Waa in la shajiciyaa, ciyaaraha iyo wax akhriga. Gudida tartanka funka iyo suugaanta.


 

Waxaan u jeedaa bulshada waa in tartans, doodo wax qalbigoodu jeclaysto shaqo abuur badani ka dhex dhasho markaa waxaan anigu arkaa geedka nabaddu wuxuu ku jiraa oo kasoo unkamayaa hawlahaa aan soo sheegay oo kale, dabcan Xukuumadduna waxay gelinaysaa (Energy and Capacity).


 

Waxaa marka la agaasimo ee la abuuro waxay noqonaysaa madaarka ay nabaddu ku soo degayso sida dayaaradda. Waa hab cusub oo loo ambaqaadi karo nabadda ay reer Somaliland u baahantay.


 

Waxaan Soo Jeedin Lahaa Sannadkanna in Loo Bixiyo Sannadkii Wax Akhriga Iyo Wax Qoridda.

 

Waxaanaan Idiin Sheegi Laa Somali Oo Dhamay in Wax Akhrigu Ka Macaanyey Caanaha Geela, Ninkii Dhadhmiyey Baa Garanayee.


 

Waa in iyana la smeeyaa gudida isusoo jiidka qurbajoogta.


Waayo naaska labaad ee dhaqaalaha Somaliland waa Qurbojoogta. Qurbajoogtu waxay ka dhigantay GEELAAGII OO FOOFAY markaa daajin wacan bay idiinka baahan yihiin

 

 

Wa bilaahi TAWFIIQ.

 

Qoraa Mohamed Bashe.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...