Madaxwaynaha JSL oo Asaasey Guddida Nabadda ee Somaliland

Wednesday January 22, 2025 - 13:59:22
Hadhwanaag
Guddoomiyaha, guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xubnaha kale...



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay wareegto Madaxweyne ku aasaasey Guddida Nabadda Somaliland, kuwaasi oo ka shaqayn doona horumarinta nabadda iyo midnimada Qaranka.

 

Wareegtadan ayaa lagu aasaasay xeerka Madaxweyne ee Xeer Lr.01/012025, isla markaana loo eegay Qodobka 90-aad iyo 113-aad ee Dasruurka Somaliland iyo sidoo kale Qodobka 63-aad farqadiisa 3-aad ee Xeerka kala xadaynta nidaamka xukuumadda iyo Hay’adaha madaxwxa bannaan Xeer Lr.71/2015 oo dhigay in Madaxwaynaha Somaliland isaga oo la tashanaya cidda ay khusayso uu dhisi karo Hay’ado madax bannaan oo loo xil saaro hawlo gaar ah.

 

Guddida Nabadda Somaliland ee uu magacaabay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka kooban todoba xubnood, kuwaasi oo oo kala ah, Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen iyo 5 Xubnood oo kale.

 

Guddoomiyaha, guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xubnaha kale ee Guddida Nabada waxa magacaabaya isla markaana xilka ka qaadi kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland sidoo kale guddigu waxa ay yeelan kartaa Xoghaye iyo la-taliyayaal u qaabilsan howlaha ay u baahdaan ka gacan-siintooda.

 

Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde guddoomiye, Jaamac Axmed Maxamed Odey guddoomiye ku xigeen, Xasan Axmed Ibraahim ( Embassy) xubin, Cali Siciid Raygal xubin, Maxamed Jaamac Abgaal, xubin Shuceyb Maxamed Muuse xubin, Maxamed Iid Dhimbiil xubin.

 

Xilka iyo Waajibaadka Guddida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland loo igmaday ayaa ah, horumarinta nabadda iyo midnimada Jamhuuriyadda Somaliland, fududeynta wada-hadallada nabadda iyo abuuridda fagaarayaal iyo jawi wada xaajood si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida bulshada loogana hortago khilaafyada iyo colaadaha deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidoo kale waxa ay guddidu Hormmood ka noqonaysaa dedaalada xukuumadda ee nabadynta, Xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta, qabashada iyo fududeynta shirarka nabadaynta iyo wada xaajooodyada bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen.

 

Sidoo kale guddida Nabadda Somaliland waxa ay go’aamin doonaan tallaabooyinka lagaga hortagayo, ama lagu xallinayo khilaafaadyada, iyo sida oo kale tallaabooyinka lagu dhisayo laguna ilaalinayo in Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu helo nabad iyo xasillooni waarta, waxa kale oo ay ka shaqayn doonaa, xoojinta iyo taageeridda dedaalada lagu dhisayo isfahanka bulshada iyo wada noolaanshaha si loo dhiirigeliyo wada noolaanshaha loona dhiso wacyiga bulshada ee iskaashiga iyo adkaynta nabadda.

     
Loading...