Talooyin ku Saabsan Nabadaynta Dalka

Wednesday January 08, 2025 - 15:16:32
Hadhwanaagtv
Intaas ayaa cid walba deeqda, Ilaah idankii.

Waxaan dhegaystay hadalkii Garaad C/Rasaaq Soofe ee 29.12.2024 - Laascaanood - ee uu ka jeediyey la kulankii eragadii nabadda ee Jigjiga ka timi. Garaadku waxa uu ka eegay arrinka dhanka siyaasadda keliya. Run, hortu siyaasadda ayaa arrimaha hagta.

Laakiin waa in arrimaha loo kala qaado sida ay u kala horeeyaan, laguna hormaro arrinka dhaqanka iyo nabadaynta deegaanada miyiga oo shilka dhimbiishiisu hal meel ka qaraxdaa dhul badan u gubi karto. Min 25.08. 2023 ilaa hadda Dhulbahante ma haysan cid dhiggooda, dhanka Isaaq ah, mid dhaqan ama mid siyaasi ah oo ay la hadlaan. Waa ilaah mahaddii in maanta Cirro ergo nabadeed u soo diray Laascaanood.

Kolkaa waa in fursadda looga faaideeyaa danyarta reer miyiga ah ee daaq-wadaagta ah. Sidaa darteed waa:
1. in labada maamul dhakhso ugu fasaxaan isimada dhaqanka qabashada shirar nabadayn ah.

2. Kulannadaasi ka dhacaan saddexda deegaan miyi ee Ceerigaabo, Caynabo/Laascaanood iyo Cayn/Buuhoodle; lagana wada hadlo wax kasta oo la kala tabanayo dhaqan ahaan. Googjoog waxa ka ahaan kara reeraha Absame, Ciise, Samaroona iyo kuwa kale.

3. La fasaxo isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

4. La is-weydaarsdado maxaabiista iyadoo la marayo laanqayrta cas.

5. Labada maamul qaadaan masuuliyadda adkaynta iyo ilaalinta nabadda isimada dhaqanku ay ku unkaan shirarkaas.

Intaas ayaa cid walba deeqda, Ilaah idankii.

Maxamuud C/llahi Axmed
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...