* MA GARANAAYO QAAB AAN DAREENKAYGA U CABIRRO SABABTOO AH XAALADA DALKAYGA IYO DADKAYGA AYAAN LA GUBANAYAA*

Friday January 02, 2026 - 18:43:16
hadhwaangnews
mustaqbalkii oo gacmaheena ka sii dhacaya


Ma garanayo in aan ooyo mise aamuso sababtoo ah Waxaan arkayaa dalkaygii oo gubanaya_ dadkaygii oo kala daadanaya,

mustaqbalkii oo gacmaheena ka sii dhacaya —
annaguna waan daawanaynaa.

Haa, waan daawanaynaa!
*Hoggaamiyayaal aan hogaamin laahayn ayaa kuraasta noogu ku fadhiya,
siyaasiyiin jeebkooda u shaqeystayaal ah ayaa masiir dalka ka ganacsanaya,
bulsho seexatay ayaa sacab u tumanaysa
kuwa dilaaya rajadooda birito .

*Dal ma burburo hal maalin_ balse
-wuxuu burburaa marka dulmiga la caadeysto,
-marka beenta lagu ammaano masuulka,
-marka aqoonta lagu hawlgab noqoto,

-marka geesinimada lagu sheego nacasnimo.
*Waxaan u dhaqmeynaa sidii
in dalka loo hebeeyay qoob kale,
in dhiigii loo shubmay xornimada
uu ahaa sheeko hore.

waxaan aqbalnay in aan ka aamusno nooc kaste oo dhibaato inagu ah, tan oo keentay rajo dil,
*Bal eeg dalal maanta cirka dagay —
ma ahayn kuwo naga caqli badan annaga,
laakiin waxay diideen in la khiyaaneeyo,

waxay diideen hoggaan aragti la’aan ah,
waxay diideen in mustaqbalkooda lagu ciyaaro.
*dhanka kale Bal eeg dalalka burburay —
waxay wadaagaan waxyaabo na dhex yaalla maanta:
-qabiil ka xoog badan qaran,
-dan gaar ah oo ka horreysa danta guud,
-bulsho aamusan oo mar walba leh
"arrintu aniga ima khusayso”.
Halkaa ayay musiibadu ka bilaabataa.
*Waxaan hubaa, sida qorraxda berri u soo bixi doonto, in qof kasta oo maanta aamusan
uu berri ooyi doono hadii uusan isbadel imaan
*Tusaale: Marka qof kaste uu arko carruur aan mustaqbal lahayn,
marka uu arko dhalinyaro qaxaysa ama dhimanaysa,
marka uu arko dal magaciisii kaliya haray.
Ha ku andacoonin "hoggaamiyuhu wuu xumaa”
adigoo aamusan oo maantay daawanaaya
Ha ku faanin waddaniyad
adigoo beenta iyo qabyaalad taageeraya.
Ha ka hadlin mustaqbal adigoo maanta qarinaya runta.
Dalku ma baaba’o sababta dad xun oo kaliya,
wuxuu u baaba’aa sababta dad wanaagsan
oo aamusay ama dhiiran waayay ayagoo wax badali kara_
*Gaba-gabo
Haddaan maanta is beddel lala imaan,
haddaanan runta u istaagin,
haddaanan dooran hoggaan aragti fog leh,
haddaanan baran in dal la dhiso
ka hor inta aan kursi raadin —
berrito waxay noqon doontaa rajadeenna shalaynto iyo mugti aan soo iftiimin,
Su’aashu ma aha:
"Yaa dalkeenna burburiyay?”
Su’aashu waa:
Maxaad adigu samaysay marka uu burburayay?
*Dal waxaa nooleeya dareen bulsho oo Midoobay kana gudbay aamusnaan iyo qabyaalad,

AbdiAziz Khairdoon

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...