Talo-Siin Xukuumada Cusub waxqabadka 1 sanee hore insha allah.

Thursday November 21, 2024 - 13:30:37
Hadhwanaagtv
Halkan waxaan ku soo gubinayaa maqaalkii 2 aad ee ku saabsan


Ugu horayn waxaan salaamayaa bahwaynta saxaafada ee Hadhwanaagnews, salaan ka dib waxaan bilaabay maqaalo aan ugu magac daray Talo-siinta Madaxwaynaha, anigoo hore u soo gudbiyay maqaalkaygii koobaad oo ku saabsanaa in masuuliyada iyo xilalka qaranka laga ilaaliyo dad aan u saaxiib ahayn islamarkaana aan aqoonteeda lahayn una yaqaana masuuliyada qaranka in loogu guul wadeeyo madaxwaynaha, taas oo ina dhaxalsiisay 7 sanee ugu dambeeyay ee muddo xileedkii Kulmiye 2, kala qaybsanaan iyo kala furfurid bulsho iyo macdaro wakhti badan inagaga lumay isu jawaabida iyo muranada siyaasadeed ee ku dhisnaa caadifada ay abuurtay guulwadayntu.


Halkan waxaan ku soo gubinayaa maqaalkii 2 aad ee ku saabsan Talo-siinta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ee la, doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxaanan maqaalkan soo galin doonaa usbuucii halmar insha allah.


Talo-Siin Xukuumada Cusub waxqabadka 1 sanee hore insha allah.

1. Dib u habaynta Qaranka


* Isu ururinta iyo midaynta bulshada walalaha ah ee Somaliland iyo tirtirida qabyaalada iyo cunfiga bulshada iyadoo sharci laga dhigayo qofka qabyaalad ku hadla ama reeraha kala gura oo dadka isu bahalo galiya inuu mutaysanayo xadhig dheer iyo ganaax iyo xasilinta nabad galyada guud ee dalka iyo ka hawlgalka soodaynta maxaabiista qaranka ka xidhan oo loo maro wado nabad galyo.

* Dhismaha iyo Dib u haynta ciidanka qaranka JSL iyo dhisida niyada ciidanka iyo wacyi galinta bulshada iyo saxaafada ee isgarabtaaga ciidanka qaranka, iyadoo dhamaan la qaranaynayo ciidan beeleedyada qaranka imika difaaca.

2. Dib u habaynta kaabayaasha dhaqaale ee dalka

* Dhamaystirka Wadada baligubadle ee gobolka hawd, iyo dib u furida kastamka dhaqaalaha baligubadle.

* Dhanaystirka Wadada Ina guuxaa iyo kastamba dhaqaalaha ee ina guuxaa.

* Dhamayatirka wadada Burco Oodwayne iyo Hargeisa.

* Kor u qaadida dhaqaalaha gobolada gaar ahaan in dib u eegis lagu sameeyo ilaha dhaqaalaha gobolada bariga iyo cashuurta xoolaha nool ee gobolka togdheer.

* Dhamaystirka wadada Jibouti iyo Somaliland ee galbeedka dalka .

* Kor u qaadida beerlayda dalka iyo horumarinta wax soo saarka gobolada, Gabiley, Daad madheedh iyo sanaag.

* Dib u dhiska guud ahaan gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood iyadoo loo xidhayo xaddi dhaqaale oo gaar ah oo kor loogu soo qaadayo kaabayaasha dhaqaale iyo bulsho ee gobolka Sool guud ahaan, gaar ahaan magaalada laascaanood.

Qoraaga Maqaalka: Cabdicasiis Maxamed Maxamuud0
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...