Waa kuma guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika?

Sunday February 16, 2025 - 11:54:19
hadhwanaagnews
Waxa uu sheegay in guddiga uu u baahan yahay dib u habeyn,...



Waxaa maanta qabsoontay doorashada Guddoomiyaha Midawga Afrika, oo si weyn muddooyinkii danbe indhaha loogu hayey, taas oo uu ku guulaystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Jabbuuti

 

Tartankan ayaa ay wada galeen mudane Raile Odina oo Kenya ka socday iyo Richard Randriamandrato oo Madagascar ka socday.

 

Wareeggii koowaad oo hoggaanka Raila qabtay, waxaa lagala wareegay wareegggii labaad ee tartankaas. Xilli uu wareegggii saddexaad tartanka ka hadhay musharraxii ka socday Madagascar.

 

Halka Railla oo haystay 22 cod iyo Maxamed oo helay 26 uu wareeggii lixaad ee tartankaas uu ka hadhay mudane Raila Odinga.

 

Taas oo sahashay in wareeggii u danbeeyey uu keligii u tartamay musharrax Maxamed Cali Yusuf, isaga o ku guulaystay 33 cod.

 

Doorashadan ayaa looga baahnaa musharraxa guulaysanaya inuu helo laba meeloow saddex meelood afartan iyo lixda dal ee Afrika ee codaynaya.

 

Waxaana la aada toddoba wareeg mar kasta oo hore loo kala bixi waayo.

 

Raila Odinga ayayna ka dhigan tahay in uu mar kale doorashadii lixaad guuldarraysanayo. Taas ooh ore loo xasuusto in shan jeer oo hore waayey madaxtinnimada dalka Kenya oo uu u tartamay.

 

Mudane Maxamed ayaa baddalaya Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad.

 

Dalalka qaaradda oo dhan ma ay ahayn kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.

 

Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye.

 

Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco.

 

Waa kuma Guddoomiyaha cusub?

Maxamuud Cali Yuusuf oo 58-jir ah waxa uu wasiirka arimaha dibadda ka yahay dal yar oo istiraatiijiyad muhiim ah ugu fadhiya geeska Afrika, waxa uuna xilka wasiirka arimaha dibadda Jabuuti hayay tan iyo sannadkii 2005-tii

 

"Hadafkeyga ugu weyn haddii la i doorto waa inaan joojiyo shiishka" saaran qaaradda, ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP wareysi uu bixiyay bishii hore.

 

Waxa uu sheegay in guddiga uu u baahan yahay dib u habeyn, waxaana uu intaa ku daray in dib u habeyntaasi ay ka soo bilaabaneyso hoggaanka iyo mas'uuliyiinta sare.

 

Marka laga soo tago ilaalinta nabadda iyo amniga qaaradda, waxa uu sheegay in hamigiisu yahay in uu kobciyo horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.

 

Waxa uu ku faanayaa in uu ku hadli karo luqado kala duwan, waxaana uu aaminsan yahay in awooddan isgaarsiineed ay awood u siinayso in uu noqdo buundo isku xiri doonta woqooyiga iyo koonfurta, bari iyo galbeed.

     
Loading...