DEG DEG Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Dooratay Guddoomiye Cusub

Saturday May 10, 2025 - 13:55:36
hadhwanaagnews
idoo kale, xubnuhu waxay si rasmi ah mar kale ugu doorteen...


Hargeysa: Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dooratay Guddoomiye cusub, kadib doorasho rasmi ah oo ka dhacday xafiiska guddida ee Golaha Wakiillada.

Doorashadan ayaa timid kadib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee guddida, Mudane Axmedkhalif Jaamac saalax.

Guddoomiyaha cusub ee guddida ayaa loo doortay Mudane Cabdiqani Maxamed Aadan, oo ah xubin firfircoon oo hore uga tirsanaa guddida. Waxaa cod aqlabiyad leh u doortay xubnaha kala ah:

1. Cabdiqani Maxamed Aadan
2. Axmed Cabdikariim Ducaale (Walhad)
3. Xirsi Cabdilaahi Xirsi
4. Cabdilaahi Yuusuf Axmed

Sidoo kale, xubnuhu waxay si rasmi ah mar kale ugu doorteen Mudane Axmed Cabdikariim Ducaale (Walhad) inuu sii ahaado Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddida, taasoo muujinaysa kalsoonida ay xubnuhu ku qabaan doorkiisa hoggaamineed.

Doorashadan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo howlgalka guddida, iyada oo mudnaanta la siin doono arrimaha caafimaadka, waxbarashada, horumarinta bulshada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
May be an image of ticket stub, blueprint and text
May be an image of 5 people, dais and text
May be an image of 1 person and dais
May be an image of 1 person and beard
May be an image of 3 people


     
Loading...