Guddoomiyaha gudida nabadda qaranka Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,ayaa ka hadlay kala madaxbanaanida gudidooda iyo golaha guurtida.
Waxaanu intaa raaciyay in ayyihiin hay’ad qaanuuniya o oleh asmaameheeeda iyo summaddeeda u gaarka ah.
Waxaa kale oo uu iftiimiyay baahida keentay in hay’adda gudida nabadda Madaxweynuhu xeer ku aasaaso oo ah xaalado colaadeed oo u baahan wada hadal iyo nabadayn.
Guddoomiye Cabdiqaadir Jirte waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda colaadeed ee Laascaanood iyoXukuumaddu dooratay in arrinta Laascaanood wada hadal lagu dhameeyo taas oo Madaxweynuhu u igmaday in ay hawshaa gasho Gudida nanadda Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Cabdiqaadir Jirde.
Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde oo aasaaska gudida ka hadlayay waxaa uu yidhi."Xukuumadda cusubi waxay dhaxashay wixii ka dhashay arrintii Laascaanood,markaa xukuumaddu waxay garatay in arrinkaasi aanu xal millatari aanu lahayn ee lagu xalliyo wada hadal,markaa Madaxweynuhu isagooo cuskanaya nidaamka Xeerka kala xadaynta hay’addaha madaxa bannaan iyo Xukuumadda oo u ogolaanaya in uu dhisi karo hay’ad madaxbannaan oo nabadda ah,waxaa uu soo saaray Xeer Madaxweyne oo ah aasaasidda gudida nabadda,waxaa xigtay wareegto agu magacaabay xubnaha gudida nabadda,guddid waxay leedahay jiritaan qaanuuniya.”
Guddoomiyaha oo ka hadlayay shaqada golaha guurtida iyo hawsha gudida nabadda qaranka,ayaa yidhi.”Isma khilaafayaan xilalka ay qaranka u hayso golaha Guurtidu iyo gudida nabaddu,asalkaba Guurti waxaa la yidhaahdaa waa waxgarad,waayeel talo qabeen,guurtidu marwalba way jirtay oo way ka da wayn tahay golaha Guurtida. Golaha guurtidu waa gole sharci dejin ayuu noqday labada golena way is kaashadaan wax u gaar ahina way jiraan, markaa wax isdiidaya maaha golaha guurtida Hwshiisa iyo gudida nabada hawsheedu waanay is taabanayaan waanay wada shaqayn doonaan markaa waxaan donayaa in aan shakiga a saarno dadka moodanay in labadu isku milan yihiin iskuma milna.”
Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde oo la kadhayay cidda gudidooda shaqo u diri karta waxaa uu yidhi. "Cidda na diraysa ee na amraysaa waa Madaxweynaya,Madaxweynaha ayaa hawshaa noo igmaday isaga ayaanu la shaqaynayanaa,goleyaasha qarankana wada shaqayn ayaa naga dhaxaysa,golaha guurtidana waxaanu soo qabano waanu la wadaagaynaa waxaanu uga baahanona waanu waydiinaynaa.”
Guddoomye Jirde oo ka hadlayay nabadaynta colaadda Laascaanood,,ayaa yidhi. "Laascaanooddagaal baa ka dhacay oo ragaadiyay labada dhinacba oo horumarkoodii dhaawac u geystay markaa xukuumaddeenu waxay qaadatay in colaadda nabad lagu bedelo oo darafkii kale nabad loosoo bandhigo Gudida nabada ayuu hawshaa Madaxweynuhu u xilsaaray,gudidu waxaay kalsoonida siisay gudida isfahamsiinta iyo midnimada ee dawlad deegaanka Soomaaliada Itoobiya oo uu hoggaaminayo Garaad Wiil-waal.”
Waxaanu sheegay in aanay ahayn hay’ad tartan kula jirta golaha guurtdia. "Mana nihin laba hay’adood oo is riixaya oo tartamaya,ismana diidayaan Golaha guurtida hawshiisa iyo gudida nabadda hawsheedu.
Nabaddu cid walba waa u dan cid ka maarmi kartaana ma jirto,Somaliland nabad ayay ku soo caano maashay waxaan rejaynaynaa in nabaddaa ay ku soo caano maashay inay deriskeedna la wadaagto oo ay kula noolaato hadday tahay dawladaha jaarjeena iyo hadday tahay maamul goboledka jaarkeena ee Puntland.
Bulshada Somaliland waxaan u sheegaynaa in gudidani tahay guddi nabadeed hawsheeduna intaa aanay ku ekaan e Somaliland wixii dhibaato keeni karana ay ka hortagto,inay noqoto guddi diginin ka bixisa khiaafaadka huraya ama hoos ka shuuqaya.