Waxaan Xasuusinayaa Bulshada Reer Somaliland in Xukuumadda Cusubi ay Tahay Wadajir iyo Waxqabad"

Thursday May 08, 2025 - 14:10:45
hadhwanaagnews
Safarka Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisa ayaa daaranaa



Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw-Cabdi iyo waftigii ballaadhanaa ee uu hogaaminaayey ayaa shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.

 

Madaxweyne ku-xigeenka iyo waftiga uu hogaaminaayey ayaa muddo ka badan 70 maalmood safar shaqo ugu maqnaa Gobollada Bariga Somaliland.

 

Sidoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Madaxweyne ku-xigeenka JSL si kal iyo laab-furan ugu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada. Intaa kadibna Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku waxay si wadajir ah u galeen Qolka Shirarka Golaha Wasiirrada, halkaasi oo ay Wasiirradu Madaxweyne ku-xigeenka ku qaabileen sacab-istaag ah.

 

Safarka Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisa ayaa daaranaa qaramaynta ciimadadii madanaiga ahaa ee ka dilaacay gobolada bariga Somaliland kuwaasi oo ka mid ahaa ballan qaadyadii Madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ku galay ololaha doorashadii Novenber ee sannadkii tagay.

 

Arrinka labaad ee Madaxwayne ku xigeenka safarkiisa ku lamaanayd ayaa ahayd sidii nabad looga dhalin lahaa laba beelood oo walaalo ah kuwaas oo colaad beelaysan ku dhexmaraysay kuwadhaad 10 sanno deegaanka Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag.

 

Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ay safarkiisa qayb ka ahaayeen Wasiirro, Xildhibaano iyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Nimacaan Yuusuf Gaaxnuug isla markaana gacan ka helaya oday dhaqameedka gobolada Sanaag, Togdheer iyo Sool ayaa soo gabogabeeyeyey qarmaynta Ciidankii madaniga ahaa ku waas oo si rasmiya uga mid noqday Ciidanka qaranka Somaliland.

 

Geesta kale Waxa Iyana la soo afjaray colaadii ka taagnayd mudada dheer deegaanka Ceel-afwayn, dhinaca kalena xukuumada ayaa ka soo saartay go,aamo lagaga hortagayo sidii aanay mardambe u soo noqon lahayn dhibaato lagagana baaqsado dhimasho xaqdaro ah, dhaawac iyo baro kac ku yimaad beelaha walaalaha ah, waxa kale oo laga soo saaray go,aamo lagu kala guranayo magta ama diyadii dadkii naftooda ku waayey iyo ku wii dhaawacu ka soo gaadhay dagaaladii hore ugu dhex maray labada beelood deegaanka Ceel-afwayn.

 

Kadib safarkaasi shaqo Madaxwayne Kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa magaalada caasimada u ah Somaliland ee Hargaysa ku soo guryo noqday waxana duleedka magaalada ka hortagay Wasiiro, qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka, Maayerka Caasimada, Cuqaal, Haween iyo dhalinyaro aad u tiro badan.

 

Gabagabdii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ka hadlay safarkiisii shaqo ayaa waxa uu yidhi: "Waxa noo soo dhamaaday hawlihii qaramaynta ciidanka iyo Nabadaynta Ceel-afwayn, waxan u mahad celinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay Qaramaynta iyo Nabadaynta, waxan leeyahay alle haydinka abaal mariyo, guushana anagu kaliya malihini ee waxa leh cidkasta oo ka qayb qaadatay gaar ahaan labada beelood ee reer Ceel-afwayn oo si karaamo leh u aqbalay nabadayntii gudida iyo go,aamadii dawlada, waxan xasuusinayaa Reer Somaliland xukuumada cusubi in ay tahay Wadajir iyo Wax-qabad”

 

 

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa kadib soo dhawayntii ballaadhnayd ee loogu sameeyay Caasimadda Hargeysa) waxa uu ka qayb-galay shirkii Golaha Wasiirrada, waxaanu si qoto dheer uga xog warramay safarkiisii shaqo ee isaga iyo weftigiisu ay in ka badan 70 maalmood ku joogeen Gobollada Bariga dalka. Madaxweyne Ku-xigeenka JSL waxa uu si faah-faahsan uga war bixiyey hannaanka iyo farsamada ay isaga iyo weftigiisu u mareen arrimaha la xidhiidha Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo xidhidda nabadda lagu soo af-jaray colaadii muddada dheer ka oognayd Degmada Ceel-Afweyn.

 

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu sheegay in isaga iyo weftigiisa uu Allah (SXWT) ku gargaaray in uu Qarankeenu gaadho guulahaa dhaxal-galka ah, iyada oo aanay jirin cid inaga caawisay ama inaga gacan siisay hawlahaa baaxadda leh. Madaxweyne Ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay in go’aan qaadasho dhab ah iyo ku dhac geesinnimo leh oo uu Madaxweynaha Qaranku horseed ka ahaa ay suurto gelisay in aynu Qaramayno Ciidamo Madani ah oo baaxaddaa leh, isla markaana nabad, is-afgarad iyo xal waara laga gaadho colaaddii riiqda dheeraatay ee Degmada Ceel-Afweyn.

 

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa si mug iyo miisaanba leh ugu mahad naqay Xubnaha weftigiisa (Wasiirrada iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka) oo ka mid ahaa hawl wadeennada Xukuumadda ee muddada dheer Madaxweyne ku-xigeenka ka gacan siinayey arrimaha nabadaynta iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah.

 

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka JSL waxa uu mahad naq maamuus iyo milgaba leh u diray Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka, Haweenka iyo Dhallinyarada ka soo jeeda Degmada Ceel-Afweyn iyo Degaanada laga Qarameeyey Ciidamada Madaniga, taasoo la’aantood aanay suurto gasheen hawlahaa waaweyn ee Qaran ahaan innoo qabsoomay.

     
Loading...