Xildhibaan Ka soo Jeeda Austria oo Ku baaqay In La dhagaysto Qadiyada Somaliland

Wednesday May 28, 2025 - 15:00:50
hadhwanaagnews
Ambassador Kaysar oo ah Ergayga Somaliland u qaabilsan


Xildhibaan veit dengler oo ka tirsan Golaha Qaranka ee Dalka Austria ayaa sheegay in la gaadhay xilligii la dhagaysan lahaa qadiyada Madax banaanida Dalka Somaliland.

Xildhibaankan oo soo xiganaya Maqaal uu Qoray Ambassador Kaysar oo ah Ergayga Somaliland u qaabilsan Midawga Yurub ayaa xusay in Sheekada Dalka ku yaala Bariga Afrika ay tahay mid xiiso badan, hasayeeshee loo baahan yahay in ay caalamku garawshiiyo ka bixiyaan rabitaanka Somaliland ee aqoonsi raadinta.
     
Loading...