Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Wasaaraddu ay wado qorshayaal,,,,
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay wado qorshayaal cusub oo u oggolaanaya inay si toos ah u maamusho arrimaha Xajka iyo Xujaajta sannadaha soo socda, taasoo ka dhigan inay gebi ahaanba ka madaxbannaanaanayso qoondada Xajka ee uga iman jirtay Soomaaliya.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdilaahi Baashe, ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in ay jiraan caqabado waaweyn oo ku xeeran habka qoondada Xajka ee ay hadda ka helaan Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn xaqa Somaliland u leedahay in ay si gaar ah uga qeyb gasho howlaha Xajka.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Wasaaraddu ay wado qorshayaal hor leh oo u suurtagelinaya Somaliland in ay si madax-bannaani ah u maamusho arrimaha Xajka, taas oo ay qayb ka yihiin diiwaangelinta Xujaajta, isku dubbaridka safarkooda iyo la shaqaynta dowladda Sucuudiga si loo helo qoondo u gaar ah Somaliland.
Tallaabadan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada Somaliland ugu jirto in ay si buuxda u maamusho arrimaheeda gudaha, gaar ahaan adeegyada la xidhiidha arimaha Xajka.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa lagu wadaa inay si dhow ula falgasho hay’adaha Sucuudiga ee qaabilsan Xajka, si loo xaqiijiyo ka qaybgal madax-bannaan oo rasmi ah oo ay Somaliland ku yeelato sannadaha soo socda.