Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka: Tallaabo Istiraatiji ah iyo Horumarka Safarka Wasiirka Arrimaha Dibada

Thursday May 29, 2025 - 13:29:07
hadhwanaagnews
Dedaalada dublamaasiyadeed ee Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland,,,,,



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay horraantii 2025, waxa uu sameeyay dedaallo muhiim ah oo lagu horumarinayo siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland. Kuwaas oo diirradda lagu saarayo xoojinta xidhiidhka caalamiga ah, raadinta aqoonsiga Somaliland, iyo ilaalinta danaha qaranka.

 

Dedaalada dublamaasiyadeed ee Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, waxa ka mid ah hawl-gal miisaan culus oo wasiirka iyo wefti uu hoggaaminayaa ay muddooyinkii u dambeeyay ka wadeen magaalada Washington, D.C. ee dalka Maraykanka, hawl-galkaas oo si weyn wax uga bedelay meeqaamkii xidhiidhka siyaasadeed ee Somaliland iyo Maraykanka. Arrintaas oo warbaahinta caalamku ku sifaysay tallaabo istiraatiji ah oo ku wajahan horumarinta iskaashiga labada dhinac.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), ayaa kulamo istiraatiji ah la yeeshay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka dalkaas, sharci-yaqaanno, iyo khubaro siyaasadeed, taas oo muujinaya in xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Maraykanku in uu galay marxalad cusub oo la taaban karo.

 

Kulamada Wasiirka arrimaha dibada Somaliland iyo weftigiisu ay la qaateen madaxda dalka Maraykanka, ayaa lagu gorfeeyay xoojinta xidhiidhka dublumaasiyadeed ee labada dal, wada-tashiyo ku salaysan qiyamka dimuqraadiyadeed iyo amniga gobolka, kuwaas oo ka mid ah arrimaha la filayo in labada maamul ee cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Madaxweyne Donald J. Trump ay si gaar ah diiradda u saari doonaan mustaqbalka.

 

Kulamo Heer sare ah oo dhex-maray Somaliland iyo Mas’uuliyiin Mareykan ah:

 

Intii uu safarku socday, Wasiir Cabdiraxmaan iyo wefdigiisu waxay la kulmeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, sharci-dejiyayaal, iyo khubaro siyaasadeed. Weftigu waxay si gaar ah ula kulmeen xubno muhiim ah oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee Senate-ka iyo Congress-ka, oo ay ka mid yihiin Senator Ted Cruz iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin Tim Burchett, Tom Tiffany, Pat Harrigan, Scott Perry, Ronny Jackson, iyo John Moolenaar.

 

Waxa kale oo ay ka qayb galeen kulamo miis-wadaag ah oo uu martigeliyay Machadka Hudson, halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland iyo weftigiisu diblumaasiyiin hore, masuuliyiin Mareykan ah, iyo khubaro ku takhasustay siyaasadda Afrika.

 

Himilooyinka Diblumaasiyadeed ee Wasiirka:

 

Somaliland waxa ka go’an in ay Maraykanka la dhisato iskaashi wax-ku-ool ah oo ku salaysan horumar, amni iyo dimuqraadiyad, kuna salaysan ixtiraam wadaag, dan-wadaag iyo mid siyaasadeed. Wasiirku waxa uu dunida u soo bandhigay xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira Geeska Afrika iyo Somaliland, waxaanu beesha caalamka u iftiimiyay in Somaliland ay ka duwan tahay muddo dheer waddamada gobolka iyo dalalka deriska ah, iyada oo si nabad ah u qabata doorashooyin dimuqraadi ah oo hufan.

 

Dedaallada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa muujinaya sida ay xukuumaddu uga go’an tahay in ay xoojiso xidhiidhka caalamiga ah, raadiso aqoonsi rasmi ah, iyo in ay ilaaliso danaha qaranka ee gudaha iyo dibadda.

 

Wasiir Cabdiraxmaan waxa uu caddeeyay in Somaliland ka go’an tahay:

 

Xoojinta nabadgelyada

Horumarinta dimuqraadiyadda

Dhisidda xidhiidh caalami ah oo mas’uuliyad ku dhisan

In caalamku arko Somaliland inay tahay saaxiib istiraatiji ah oo la isku hallayn karo

Gabagabo

 

Safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland ee Mareykanka wuxuu ka tarjumayaa himilo qaran oo ku saleysan nabad, horumar iyo la jaanqaadidda beesha caalamka. Is-dhexgalkaasi wuxuu noqon karaa mid albaabada u furaya Somaliland, si ay u hesho aqoonsi buuxa iyo taageero caalami ah oo dheeraad ah.

 

"Xidhiidhkaasi wuxuu dhidibada u taagayaa rajada Somaliland ee aqoonsi caalami ah, isaga oo sidoo kale horseed u noqon kara xasillooni iyo horumar guud oo ka hirgala Geeska Afrika.”

     
Loading...