HADHWANAAGNEWS

Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa maanta lagu qabtay shirka saddex-biloodlaha ah ee Guddiga Hagidda Mashruuca FSRP, mashruuc ay taageerto Baanka Adduunka oo ka socda Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkan oo uu guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, waxa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Jaamac Maxamed (Geel‑jire), Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cumar Shucayb Maxamed, iyo xubnaha kale ee Guddiga Hagidda Mashruuca.
Intii uu shirku socday, waxa si qoto dheer loogaga wada hadlay hawlaha kala duwan ee Mashruuca FSRP. Sidoo kale, Xidhiidhiyaha Mashruuca, Mudane Kayse Axmed Maxamed (Jeelle), ayaa Guddiga ka siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadkii mashruuca muddadii la soo dhaafay, iyo qorshaha hawleed ee sanadka 2026.