HADHWANAAGNEWS
Wasiirka Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa ganacsatada uga digay in aanay ka faa’iidaysan duruufaha jira si aan daruuri ahayn, isla markaana aanay kordhin qiimaha badeecadaha, gaar ahaan raashinka iyo shidaalka.
Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyey in xilliyada ay jiraan qalalaase ama xiisado caalami ah ay lagama maarmaan tahay in ganacsatadu muujiyaan masuuliyad qaran, kana fogaadaan tallaabo kasta oo culays dhaqaale saaraysa shacabka.
"In aanay ganacsatadu uga faa’iidaysan duruufta qiimaha badeecadaha kala duwan inay kordhiyaan, ama iyaga oo aanay daruuri ahayn ama loo baahnayn qiimaha wax ka beddelaan, gaar ahaan sida raashinka iyo shidaalka,” ayuu yidhi Wasiirku.
Fariinta Dowladda
Ilaalinta xasiloonida suuqyada
Ka hortagga sicir-bararka aan loo baahnayn
Daryeelka danaha shacabka
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jiraan isbeddello ku yimid suuqyada caalamka, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara qiimaha badeecadaha gudaha. Dowladda ayaa ku boorrisay ganacsatada inay ka shaqeeyaan wadajir iyo is-faham si loo ilaaliyo xasilloonida dhaqaalaha dalka.