Gabiley: Ololaha Jaangoynta Qiimaha Shidaalka oo Si Rasmi ah Loo Daah-furay

Wednesday March 25, 2026 - 16:38:09
HADHWANAAGNEWS
Ilaalinta xuquuqda macaamiisha



Isu-duwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee gobolka Gabiley ayaa saaka si rasmi ah u daah-furay ololaha hirgelinta wareegtadii wasaaradda, taas oo diiradda saaraysa jaangoynta iyo mideynta qiimaha shidaalka ee dalka.


 

Ololahan ayaa ujeedkiisu yahay in la xaqiijiyo in qiimaha shidaalka lagu saleeyo hannaan caddaalad ah, si looga hortago kala duwanaanshaha iyo sicir-bararka aan sharciyeysneyn ee ka jira suuqyada.


 

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa sheegay in tallaabadan ay door weyn ka qaadanayso:


 

Ilaalinta xuquuqda macaamiisha


Xasilinta suuqyada shidaalka


Yaraynta isbedelada aan la xakamayn ee qiimaha


 

Waxa ay sidoo kale xuseen in hirgelinta nidaamkan cusub ay muhiim u tahay kobcinta kalsoonida ganacsiga iyo dhisidda suuq si nidaamsan u shaqeeya, oo waafaqsan shuruucda iyo siyaasadaha qaranka.


 

Ololahan ayaa ka mid ah dadaallada xukuumaddu ku doonayso in lagu abuuro suuq cadaalad iyo hufnaan leh, isla markaana lagu ilaaliyo danaha bulshada iyo ganacsatada.

     
Loading...