Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland oo Ilmo Yar ka Badbaadiyey Guri ku yaalla Xaafadda Masalaha

Thursday February 05, 2026 - 14:39:41
HADHWANAAGNEWS
Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland


No photo description available.

Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland, gaar ahaan xarunta Maxamuud Haybe, ayaa maanta si guul leh uga samatabixiyay ilmo yar oo ku xayirnaa guri ku yaalla xaafadda Masalaha.

Ciidanku iyagoo adeegsanaya xirfadahooda iyo qalabka casriga ah ee samatabixinta, ayaa ilmahaas yar si nabad ah ugala soo baxay guriga, iyadoo aanu wax dhaawac ahi soo gaadhin.

Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa digniin u diray waalidiinta, iyagoo xusay in ay aad u soo badanayaan dhacdooyinka carruurta lagu xidho ama ay iskaga xidhmaan guryaha gudahooda ama dushooda, taas oo keeni karta khataro halis ah, gaar ahaan marka uu dab ka kaco guryaha.

Ugu dambayn, Ciidanku waxa ay bulshada ugu baaqeen in marka ay la kulmaan masiibo dab ama xaalad degdeg ah, ay si dhaqso ah ula soo xidhiidhaan lambarka gurmadka degdegga ah 990, kaas oo ka shaqeeya dhammaan shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom, Somtel, iyo Soltelco.


     
Loading...