Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dhismaha
Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland,Mudane : Axmed Xirsi Ducaale oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka Mudane: Abdisalan Mohamed Mohamoud iyo qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Hay’adda Caymiska Qaranka, ayaa kulan istiraatiiji ah la yeeshay Alhuda CIBE.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dhismaha Hay’adda Caymiska Qaranka, horumarinta nidaamyada maamul, dhismaha awoodda farsamo, iyo sameynta adeegyo caymis oo ku habboon suuqa caymiska Somaliland.
Labada dhinacba waxa ay adkeeyeen muhiimadda wada-shaqeyn joogto ah oo ku dhisan iskaashi iyo is-dhaafsi khibradeed, si loo horumariyo nidaamka caymiska qaranka loona xaqiijiyo adeegyo caymis oo tayo leh oo u adeegaya baahiyaha bulshada.