Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland oo Ka Qaybgalay Shirweyne Caalami ah oo Ka Dhacay Rwanda

Saturday March 14, 2026 - 11:54:21
HADHWANAAGNEWS
Shirkan oo ka mid ah madalaha ugu muhiimsan ee caalamka..

May be an image of text


Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Kheyre, iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay shirweynaha caalamiga ah ee Inclusive Fintech Forum (IFF) 2026 iyo MojaCom 30, oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.


 

Shirkan oo ka mid ah madalaha ugu muhiimsan ee caalamka looga hadlo horumarinta tiknoolajiyadda maaliyadeed (Fintech) iyo kobcinta adeegyada maaliyadeed ee loo dhan yahay, ayaa waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 3,000 oo ergo oo ka kala socday 80 dal oo adduunka ah.


 

Ka-qaybgalayaasha shirkan ayaa isugu jiray masuuliyiin dowladeed, bangiyo dhexe, hay’ado maaliyadeed, shirkado tiknoolajiyadeed iyo khubaro caalami ah, kuwaas oo ka shaqeeya horumarinta nidaamyada maaliyadeed iyo ballaarinta adeegyada maaliyadeed ee casriga ah.

May be an image of one or more people, suit, newsroom, dais and text
May be an image of one or more people
May be an image of text that says '#IFF2 FF2026'
May be an image of one or more people and text
May be an image of text
May be an image of text



     
Loading...