DEG DEG Xildhibaan Ustareeliyaan ah oo Somaliland ku Sifeeyay Guusha ugu Weyn ee Afrika Gaadhay

Friday May 30, 2025 - 00:24:35
hadhwanaagnews
Veit Dengler ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiy....



Xildhibaan Veit Dengler oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Ustareeliya, ayaa sheegay in guusha ugu wayn ee ay qaarada Afrika gaadhay ama ay ku faani kartaa ay tahay Somaliland oo hirgelisay dawladnimo wanaag, dimuquraadiyad, xorriyad iyo nabadgelyo taabbo gashay oo aan ka jirin qaaradda inteeda badan.

 

Xildhibaan Veit Dengler waxa kale oo uu intaasi ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland oo horumar la taaban karo ka gaadhay dhinacyada dimuquraadiyadda, xasiloonida, dhaqaale iyo siyaasadda, ay taasi tahay guul ay u soo hoysay qaaradda Afrika oo dhan, iyada oo aan beesha caalamka ka helin wax taageero ah oo ay ugu horrayso aqoonsiga ay mudan tahay.

 

Veit Dengler ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiya barta uu ku leetahay internetka ee Facebook oo wargeyska Dawan ka soo xigtay.

 

Hal ka mid ah sheekooyinka guusha Afrika waa Somaliland. Haddana may helin taageerada ay mudan tahay, laga bilaabo aqoonsiga Somaliland.”

 

Xildhibaanka oo tilmaamayay guulaha wax ku oolka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ay gaadhay ee ay ku ammaanan tahay waxa uu yidhi "Somaliland waa saaxiib dimuqraadiya oo haysata xoriyada madax-bannaanida.”

 

Hadalka xildhibaan Veit Dengler ayaa ku soo beegmaya xilli Xukuumadda Somaliland dedaal wayn ay gelisay ka midho dhalinta iyo baadigoobka aqoonsiga Somaliland oo ay ka waddo dhammaan qaaradaha adduunka isla markaana ku garnaqsanaysa xaqa ay u leedahay in Jamhuuriyadda Somaliland beesha caalamka ay ka hesho aqoonsiga qarannimada dalka ka dhex ifaya qaarada Afrika.

     
Loading...