Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa ka warbixiyay waxqabadkii sannadlaha ahaa ee Garsoorka dalka ee sannadkii 2024-kii iyo bilaha sannadkan 2025, waxaanu guddoomiyuhu sheegay in sannadkii 2024-ka ay Maxkamadaha soo galeen 26,716 dacwadood oo isugu jiray 14,046 Madani ah, 7,908 Ciqaab ah iyo Fulinta oo dhammayd 3,500. Kuwaasi oo 22,220 dacwadood oo kamid ahi ay dhammaadeen oo marka boqolay loo bedelo u dhigma 83%, halka ay socdaan 4,514 dacwadood oo dhigma 17%. Waxa xusid mudan in sannadkii ka horeeyay ee 2023-kii ay Maxkamadaha soo galeen dacwado dhan 25,510 dacwadood, kuwaasi oo isla sannadkaa ay dhammaadeen 22,445 dacwadood oo u dhigma 88%, halka ay socdeen 3,080 dacwadood oo marka boqolay loo bedalana ku noqonaya 12%. Farqiga u dhexeeya dhamaystirka dacwadaha sannadkii 2024-ka iyo sannadkii 2023-ka ayaa dhan 5%.
Guddoomiyuhu waxa uu tibaaxay qorshaha kobcinta aqoonta bahda garsoorka oo sannad kasta deeq waxbarasho oo isugu jirta mid bilaash ah iyo mid boqolkiiba konton ah 50% ay sannadka 2024-ka ka faa’iidaysteen hawl-wadeeno tiradoodu dhammayad 181 qof, halka tababarada gaagaabana ay ka faa’iidaysteen xubno gaadhaya 500. Kuwaasi oo qaatay koorsooyin sharci iyo kuwo kaabaya aqoontooda guud sida gargaarka degdega ah, dab-damiska, maamulka iyo maaraynta.
Guddoomiye Aadam Xaaji Cali waxa kale oo uu is dul taagay dhamaystirka Maktabada Maxkamadda Sare oo noqon doonta rug akhris oo ay ku kaydsan yihiin dhiganayaasha iyo buuggaagta sharci ee muhiimka u ah garsoorayaasha iyo cilmi-baadhayaasha sharci ee ku hawlan xal-u-helida masalooyinka u baahan in si cilmiyaysan looga jawaabo.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in Maxkamadaha dalku bil kasta ay qaabilaan kumanaan qof oo murraado kala duwan u yimaada sida garnaqista dacwadaha, maaraynta cabashooyinka la xidhiidha dacwadaha iyo bixinta adeegyo sharci oo hufan. Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu xusay in fidinta adeega sharci ay kaalin muhiim ah kaga jiraan maxkamadaha guurguura, kuwaasi oo uu sheegay in heer degmo ilaa heer Maxkamad Sare ay u fidiyaan deegaanada awood ahaan hoos yimaada.
Waxa kale oo kamid ahaa waxqabadka guddoomiyuhu xusay dayactirka iyo yagleelida dhismayaasha iyo kaabayaasha kale ee Maxkamadaha, waxa uu hoosta ka xarriiqay in dayactir balaadhan lagu sameeyay sannadkii 2024-ka Maxkamadaha Gobollada Sanaag, Togdheer iyo Saaxil halka dhismayaal lagu kordhiyay Maxkamadda Gobolka Awdal, sidoo kalana la bud-dhigay dhismaha Maxkamadda Degmada qol-u-jeed.
Warbixin sannadeedka 2024-ka waxa qayb ka ahayd dakhliga ay ku soo xereeyaan xafiisyada cashuuraha barriga ee ka furan Maxkamadaha kala duwan ee dalku, kaasi oo uu guddoomiyuhu xusay in garsoorku kamid yahay hay’adaha ugu dakhli xeraynta badan marka loo eego cashuuraha barriga.
Geesta kale Guddoomiyuhu waxa uu ka warbixiyay doorka shariifka ah ee Suluxu kaga jiro xallinta murannada madani ee munaasibka ku ah in heshiis lagu dhammeeyo, waxanna uu xusay in ay bil kasta dacwado loo maare-waayay kusoo afjaraan. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in suluxu kamid yahay hababka ugu mudan ee diinteena suuban ee Islaamka iyo xeerarkeenuba dhiiri-galiyeen, ka garsoor ahaana ay ku maareeyaan dacwadaha duluc ahaan ku haboon taasi oo dhawaanahan ay dadku aamineen in ay heshiis ku dhamaystaan khilaafaadkooda gaar ahaan xilliyada ay adag tahay in ay hellaan cadaymo waafi ah ama wakhtiguba cidhiidhi ku yahay.
Gunnaanadkii guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed waxa uu ka waramay caqabadaha garsoorka ku gaddaaman, si guudna uu kala siman yahay hay’adaha kale ee qaranka. Waxa uu tibaaxay in cidhiidhiga kaabayaashu kamid yahay caqabadaha haysta garsoorka kuwaasi oo sannad kasta talaabo hore loo qaado.
Caqabadaha dhanka dacwadaha ayaa guddoomiyuhu xusay in ay hormuud u yihiin murranada iyo khilaafaadka dhulka, kuwaasi oo uu ku cilleeyay in fiditaanka magaalooyinka iyo baahida loo qabo awgeed ay sare u qaadeen qiimihiisa taasi oo keentay in murrano xoogani kasoo if-baxaan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in magaalooyinka Burco, Boorama iyo Berbera ay hadda kamid yihiin kuwa kaalmaha hore kaga jira is-qab-qabsiga iyo murannada dhulka, halka uu tibaaxay in magaalada Hargeysa uu hoos u dhac weyni ku yimi isagoo ku sababeeyay hirgelinta nidaamka casriyeynta macluumaadka dhulka (GIS) kaasi oo uu sheegay in uu hoos u dhigay faylashii iyo mulkiyadihii fool-jariga ahaa, laba-iibsigii iyo khiyaamooyinkii kale ee ka abuurmi jiray kaasi oo haatan ay Maxkamaddu awood u leedahay hubinta saxnaanshiyaha iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee mulkiyadda muranku ka taagan yahay. Waxaanu usoo jeediyay dawladaha hoose ee Burco iyo Boorama in ay nidaamkaasi oo kale ku maamulaan diwaangelinta iyo kor-joogteynta mulkiyadaha ay dadku dalbanayaan.
Guddoomiyuhu waxa uu is dul taagay in caqabadaha ay la kulmaan garsoorku ay kamid tahay in dadka qaar qanaacadoodu hoosayso oo iyaga oo og in waxa ay ku dacwoonayaan baadil yahay haddana jaran-jarooyinka Maxkamadda oo dhan ku wareejiya ugu danbayntana ku qanci waaya xukunnada kama-dambaysta ah iyagoo ilmada yaxaaska qubaya, kuwaasi oo uu warbaahinta iyo dadweynaha kalaba uga digay in ay ku kadsoobaan dadka caynkaasi ah oo ay xogta darafka kale baadi-doonaan si ay xogtana u dheeli-tiraan xuquuqda darafka kalana aanay meel uga dhicin.
Ugu danbayn Guddoomiyuhu waxa uu u mahad-celiyay dhammaan hawl-waddeenada Garsoorka ee hawsha milgaha leh dhabarka u ritay iyaga oo aan wada helin xuquuqahooda nololeed, dhammaan darafyada kale ee ka qayb qaata dhamaystirka cadaaladda, fullinteeda iyo hay’adaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin wada-shaqaynta wanaagsan.
Allaa mahad leh.
Ibraahin Maxamed Cali
Madaxa Warbaahinta Maxkamadda Sare