Hargeysa: Nidaam Cusub oo Gaadiidka Dabdemisku Biyaha ka Qaadanayaan oo la Hirgeliyay

Thursday May 01, 2025 - 11:15:14
hadhwanaag
"Fikradan aan keenay Maareeyaha wakaalada Biyuhu sifiican...



Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaya Wakaalada Biyaha Hargeysa ayaa magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland ka hirgeliyay Nidaam cusub oo gaadiidka Dabdemisku ka qaadan doonaan Biyaha xiliyada ay ku jiraan hawlgalada Samatabixinta iyo la tacaalida khataraha Dabka.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo hal Abuurka, hirgalinta nidaamkan iyo aasaaskeeda, lahaa ayaa ku faah faahin ka bixiyey muhiimada uu u leeyahay Biyo siinta gaadiidka Dab-damiska xiliyada ay ku jiraan hawlgalada ka dhanka ah ka hortagida khataraha Dabka ayaa waxa uu sheegay in Qalabkani uu u sahlayo Ciidanka Dabdemiska wakhtiyada ay ku jiraan Hawl-galada xoogan iyo gurmadka degdega ah, inay si fudud biyaha ugu xidhan karaan goobahaa loo asteeyay.

"Fikradan aan keenay Maareeyaha wakaalada Biyuhu sifiican ayuu iila qaatay, wuu ila qaban-qaabiyey, gacan buu nagu siiyey, 21 Xabo ayaa hada noo diyaar garaysan oo ku rakiban imiga magaalada Hargaysa, Ku ekayn mayno 21kaase Hargaysa oo dhan ayaan u Samaynaynaa” Taliye Sawaaxili.

Waxa kale oo uu Gaashaanle Sare Sawaaxili intaasi ku daray.

Si,aanu uga raysano marka ay booyadaha ay Biyuhu ka dhanaadaan in ay dib u yaacaan oo ay soo buuxsadaan, hada markiiba meesha ugu dhaw ayey ka buuxsanayaan”.

Taliyaha Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa sheegay in ay hore u keeneen qalabka lagu Neefsado kaasi oo sida uu sheegay aanay haysan wadamada dariska la ah Somaliland qalabkan ay hadda Hargaysa ay ka hirgaliyeena uu yahay guul u soo hoyatay Somaliland gaar ahaan Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta.

Gabagabadii muddo 34 Sanno kadib Somaliland gaar ahaan Caasimada Hargaysa ayaa markii ugu horeysay yeelatay Goobo ay ciidamada Dabdemisku ka qaadan doonaan biyaha kuwaasi oo ku yaala hareeraha wadooyinka halbawla yaasha ee iskaga kala goosha Xaafadaha iyo degmooyka Magaalada Hargaysa.

     
Loading...