Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha, Aadan Cabdilaahi Cabdille, ayaa maalmihii u dambeeyey kormeer shaqo ku marayay gobolada bariga Somaliland,iasga oo ay wehelinayaan Injineerro iyo khubaro ku takhasusay arrimaha biyaha, oo katirsan Wasaaradda, Xildhibaano heer qaran ah iyo Isuduwaha biyaha ee gobolka Togdheer.
Ujeedada Agaasimaha iyo weftigiisa ayaa daaran u kuurgalka xaaladda guud ee dhinaca biyaha ee gobollada dalka, gaar ahaan meelaha baahida biyuhu ka taagan tahay, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaraya deegaanada miyiga ah ee aan weli helin adeegyada biyaha ee joogtada ah.
Waftiga ayaa intii ay ku guda jireen socdaalkooda, waxa ay mareen deegaanada Hawdka gobolka Togdheer, oo ay ka mid yihiin Durugsi, Cali Ciise, Yucub-Yabooh, Riyo-Xidho, Habeedlay, Sibidhlay, Candha-Dhexe, Dhagaxdheer, Ay-Jeex iyo Ceeg.
Geesta kale Waftiga ayaa kulamo xog-ogaalnimo ah la yeeshay odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kuna dhaqan deegaanadii ay marayeen kana dhagaysteen baahiyahooda biyood.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanadii waftiga ahaasimhuhu hogaaminayey ay marayeen ayaa ka waramay xaaladda biyo yaraanta, baahida ceelal cusub, hagaajinta Dhaamam hore u jiray, iyo weliba sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay sababeen abaaraha soo noqnoqda.
Gabagabadii Agaasimaha Guud iyo Weftigiisa ayaa indhahooda ku soo arkay Dhaamam iyo barkado hore u jiray, iyaga oo qiimeyn ku sameeyay xaaladooda, isla markaana dhabbaha u xaadhaya qorshe lagu horumarinayo adeegyada biyaha ee deegaanadasi.