Askaraynta cusub ee Ruushka oo cabsi weyn ku haysa dhalinyarada

Wednesday April 23, 2025 - 10:52:14
hadhwanaagnews
Ragga dhallinyarada ah qaarkood waxay inta badan



1-dii Abriil, Ruushku waxa uu bilaabay qorsho cusub oo ujeedkiisu ahaa in la qoro 160,000 oo rag ah oo da’doodu tahay 18 ilaa 30 jir. Waa baaqii ugu ballaadhnaa tan iyo 2011-kii, iyada oo ujeedadu tahay in la fuliyo digreetadii madaxweyne ee sannadkii hore ee lagu kordhinayo ciidamada qalabka sida oo la gaadhsiinayo 2.5 milyan oo askari.

 

Taasi waxay ka dhigaysaa Bogdan, oo 21-jir ah oo ku sugan duleedka Moscow, inuu welwelo.

 

Ragga dhallinyarada ah qaarkood waxay inta badan isku dayaan inay ka fogaadaan adeegga milatari ee qasabka ah. Laakiin iyada oo dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine uu marayo meel xasaasi ah, iyada oo dhinacyada iska soo horjeeda ay si quus ah isku dayayaan inay u muuqdaan kuwo guulo ka soo hooyay wadahadal nabadeed, ayaa waxaa jirta arrin degdeg ah.

 

"Waxaan helay yeedhmo la iigu yeedhay gu’ga 2024, inkasta oo dhiig-karku igu dhacay, hadana waxay raadinayeen inay xoog igu qoraan,” Bogdan ayaa u sheegay warbaahinta, isaga oo codsanaya in magaciisa la qariyo isaga oo ka baqaya aargoosi.

 

Hadda waa uu ka dhuumanayaa maamulka.

 

"Waxaan rajeynayaa in aan awoodi doono in aan iska diiwaan geliyo adeegga milatariga ee Saint Petersburg, oo la igu sameeyo baadhitaan caafimaad oo cusub halkaas oo aan helo in la iga reebo sababta oo ah dhiig-karka.

 

"Sannad ka hor waxaa jiray wax ka beddelka da’da, haddana waxaa loo yeedhaa dhallinyarada da’doodu u dhaxayso 18-30,” Ivan Chuviliaev, afhayeenka ururka Go By The Forest, oo dadka ka caawiya inay ka baxsadaan darajooyinka, ayaa u sheegay Al Jazeera. Markii hore, da’da ugu badan ee askar qorista waxay ahayd 27.

 

Sida laga soo xigtay ilo furan oo ay soo diyaarisay BBC iyo warbaahinta madaxa banaan ee Ruushka Mediazona, in ka badan 100,000 oo askari oo Ruush ah ayaa la dilay tan iyo 2022-kii – tiradaas oo cabsi gelisay dhalinyarada sida Bogdan oo kale ah.

 

In kasta oo askarta loo dirayo aan farsamo ahaan loo malaynayn in la geeyo jiidaha hore ee dagaalka, "qorshayaasha waxaa la geyn karaa gobollada xuduudka la leh Ukraine, oo ay ku jiraan gobollada Belgorod iyo Kursk, sidaas darteed aragti ahaan waxay ka qaybqaadan karaan hawlgallada dagaalka ee gobolladan”, Oleg Ignatov, falanqeeye sare oo Ruush ah oo ka tirsan Kooxda Dhibaatada, ayaa u sheegay warbaahinta.

 

Waxaa jira habab, sharci iyo si kaleba, oo looga baxsan karo adeegga milatariga. Kuwaas waxaa ka mid ah sababaha caafimaadka iyo u qalmi la’aanta; duruufaha qoyska qaarkood; jirro maskaxeed ama jidheed.

     
Loading...