Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadkan qaaday tallaabo siyaasadeed oo nidaamsan, taas oo muhiimad weyn u leh qarannimada iyo xoojinta ammaanka gudaha iyo xuduudaha Somaliland, kadib markii ay xukuumaddu ku dhawaaqday 7-dii bishan May amar sharci oo ku wajahan ajaanibta sharci darrada ah ee ku sugan gudaha dalka, iyada oo Ilaalinaysa xasilloonidda Bulshadeeda, dhinaca kalena tixgelin weyn siinaysa arrimaha xuquuqda aadamaha.
Bulshada reer Somaliland ayaa go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranku ay ku amartay ajaanibta sharci-darrada ku jooga dalku in ay isku diiwaangeliyaan muddada u dhaxaysa 06/May ilaa May 26, 2025, ku tilmaamay tallaabo ay xukuumaddu JSL ku muujisay masuuliyad sharciyadeed iyo mid siyaasadeed, taas oo ah go’aan qaadasho lagu sugayo ammaanka, shuruucda dalka, iyo xaquuqda bani’aadamnimo ee la xidhiidha ajaanibta. Isla markaana dammaanad qaadaysa xoojinta xidhiidhka waddamada deriska ah, gaar ahaan Itoobiya oo ah waddan ay dadkiisu u soo shaqo tagaan Somaliland, isla markaana saaxiib dhaw la ah Somaliland.
Xukuumadda cusub ee Waxqabad iyo Wadajir waxay qaaday tallaabo ay si wayn ugu diirsadeen shacbi-weynaha Somaliland, kuwaas oo wax ka badan soddon sanno ka naawilayay qarankooda go’aamo lagu xakameeyo dadka ajaanibta ah ee sharci-darada ku soo gala dalka, kuwaasi oo khatar amni ku noqon kara nabadgelyada, isla markaana culays weyn ku ah shaqooyinka ay qaban lahaayeen dadka muwaadiniinta ah.
Tallaabadan ayaa ah taariikhda Somaliland markii ugu horraysay ee ay dawladu soo saarto go’aan sharci oo noociisa ah, kaasi oo lagu weelaynayo, laguna ogaanayo xogta iyo dhaqdhaqaaqyada dadka ajaanibta ah ee dalka ku ku sugan, arrintaas oo ah mid wax weyn ka beddelaysa mustaqbalka qaranka ee maareynta arrimaha Socdaalka JSL.
Go’aanka cusub ee ay soo saartay xukuumadda Somaliland ayaa ah mid muujinaya isu dheeli-tirnaan siyaasadeed oo u dhaxaysa fulinta sharciyada socdaalka iyo ilaalinta xasilloonida bulshada dhexdeeda iyo xidhiidhka Mandaqada.
Tallaabadan cusub ayaa ah mid xukuumadda Somaliland u suurto-gelin karta inay hesho xog dhab ah oo ku saabsan tirada iyo xaaladda ajaanibta ku sugan gudaha dalka, isla markaana noqon karta tallaabo loogu gogol xaadhayo siyaasad socdaal oo nidaamsan. Sidoo kale, tallaabadani waxay ajaanib badan siin kartaa fursad ay ku sharciyeeyaan joogitaankooda, iyaga oo aan ka baqdin qabin raaf degdeg ah. Sidoo kalena waxay xukuumadda iyo ciidamada laanta socdaalka Somaliland u sahlaysaa la socodka xogta iyo dhaqdhaqaaqa ajaanibta.
Maxaa Lagu War-geliyay Ajaanibta?
Ajaanibta doonaysa inay sii joogaan Somaliland waa in ay codsiyo rasmi ah u gudbiyaan Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland.
Waxaa looga baahan yahay in ay buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay.
Ajaanib kasta oo aan is-diiwaan-gelin waqtiga la cayimay, lagama aqbalayo in uu sii joogo Dalka, waxaana lagu qaadi doonaa tallaabo sharciyeed.
Canshuur lagu soo rogi doono kuwa is-diiwaangeliya.
Ajaanibta baxaya waa in ay iska diiwaangeliyaan xudduudaha marka ay dalka ka tagayaan.
Maxaa Laga Filan Karaa Tallaabadan?
Waxaa laga yaabaa in tallaabadani ay u gogol xaadhayso: Dib-u-habeyn ballaadhan oo ku saabsan siyaasadda socdaalka ee Somaliland.
Diiwaan-gelin rasmi ah oo ka caawisa Somaliland in ay xog dhab ah ka hesho tirada iyo xaaladda ajaanibta ku sugan dalka.
Wada-shaqeyn cusub oo ka dhex bilaabanta Somaliland iyo dalalka deriska.