Somaliland uma Baahna Malxiis Siyaasadeed:

Saturday May 24, 2025 - 10:52:09
hadhwanaagnews
Laga soo bilaabo 199-kii markii ay Jamhuuriyadda Somaliland ....



Dalalka adduunka mid kastaaba dantiisa waxa uu u maraa darriiqa uu is leeyahay guul ayuu qarankaagu ku gaadhayaa. waxaana jira dariiqyo kala gedisan oo dawladuhu u maraan ka midho dhalinta hadafkooda siyaasadeed iyo yoolkooda mustaqbalka ay u hayaamayaan, iyada oo dalalka qaar dantooda kaga xidhan dal kale ay u sii maraan jidad ka sokeeya ama dawlado kale oo u dhexeeya dalka hadafka leh iyo cidda wax kaga xidhan yihiin. Haddaba Somaliland taas way ka duwan tahay mana aha dal dantiisa meel aan ahayn oo maqaar saar ah u sii maraya ama raadinaya malxiis siyaasadeed oo wakiil uga noqda halka danteedu ku jirto.

 

Laga soo bilaabo 199-kii markii ay Jamhuuriyadda Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda waxay diiradda saartay in ay danta qarankeeda u guntato isla markaana danta Somaliland iyo masiirka qarannimadeeda ka midho dhalinteeda u hawl gasho. waxaana taas loo igmaday oo masuuliyaddaa dhabarka loo saaray marba xukuumadda talada dalka haysam, waxaanay ilaa maalintii gooni isu taagga madaxbannaanida Somaliland dib loola soo noqday ee qaranka Somaliland uu noqday dal ka madax bannaan wixii la isku odhan jiray jamhuuriyadii Soomaaliya ay ku guulaysatay guulo waawayn oo dhib ku ah dalal badan oo caalamka ka jira gaar ahaan dalalka loogu yeedho dunida sadexaad.

 

Waxa talada dalka u kala dambeeyay oo iska bedelay lix Madaxweyne oo doorashooyin kala duwan ku yimi oo afar madaxweyne oo ka mid ahi talada dalka isugu dhiibeen doorasho qof iyo cod ah, goleyaasha wakiilada iyo deegaanada ayaa iyaguna cod lagu soo doortay.

 

Somaliland waa dalka keliya ee ku yaalla qaaradda Afrika ee qabtay doorashooyinka ururada iyo xisbiyada qaranka ee soo saaray laba jiil xisbi siyaasadeed oo kala dambeeyay. Hadda Somaliland oo tallaabooiinkaas oo dhan qaaday waa dal isku tashaday oo aan caalamka aqoonsi caalamiya ka helin, laakiin aqoonsi la’aanta caalamiga ahi Somaliland kama dhigin dal caalamka aan wax la qaybsan karin ama ka go’doonsan, waxay dalal badan oo dunida ka mid ah ay ku leedahay xafiisyo dublamaasiyadeed oo shaqeeya, sidoo kale waxaa Somaliland safaarado ku leh dalalka Itoobiya Jabuuti Taiwan, Turkiga iyo Ingiriiska oo xafiisyo dublamaasiyadeed ku leh.

 

Somaliland waxay heshiis caalami ah la gashsy shirkadda caalamiga ah ee DP-World oo malaayiin dollar ku maal gelisay dekeda Berbera, heshiiska Somaliland ay la gashsy DP-World oo in badan oo dawladaha caalamka ahi ay isha ku hayeen bal sida ay Somaliland u fuliso heshiiskaas, ayaa durba soo jiitay dalal badan oo arkay sida Somaliland ay u tahay dal sharcigu sarreeyo oo la aamini karo, heshiisyana lala gali karo.

 

Arrintaasi waxay Somaliland fursad u siisay in dal kasta oo ay danteeda ka dhex aragtoay xidhiidh in ay xidhiidh toos ah la yeelato iyada oo aan u sii marayn meel kale, marna Somaliland kama daalayso ka midho dhalinta himiladeeda masiiriga ah umana qaadanayso quudhsi iyo is hoos gayn meel aan u cuntamayn hankeeda qarannimo mana aha dal iyo dad duruuf kasta oo ay soo maraan isdhiibaya ama qaadanaya guul darro wiiqaysa qarannimadooda.

 

Somaliland waa dal dunida baray isku tashiga iyo isku duubnaanta in waxkasta lagu qabsan karo isla markaana lagaga gudbi karo caqabad kasta oo ku soo waajahda. Qaranka Somamiland ku adkaanta hankiisa iyo ka feejignaanta wax kasta oo waxyeeli kara midnimda bulshadiisa iyo yoolkiisa siyaasiga ahi waxay u fureen albaabo badan oo dunida ah taas oo ay ku kasbatay Somaliland dawladnimo wanaag, sarraynta sharciga, dhawrista xuquuqda aadamaha iyo hirgelinta dimuquraadiyad aan ka jirin mandaqada ay ku taallo iyo ka dheeraanta nidaamka Afrika la hadhay ee kali talisnimada iyo cabudhinta xoriyatul qawlka iyo safaaxadda.

 

Sidoo kale Somaliland waxay caan ku tahay nabad kula noolaanshaha dalalka dariskeeda iyo kala shaqaynta nabad gelyada, intaas waxaa u dheer Somaliland oo ay sugtay ammaanka marin biyoodka baddeeda iyo nabad gelyada bad dhererkeedu yahay 600 oo KM. Sidaa darteed Somaliland uma baahna malxiis siyaasadeed oo halka danteedu ku jirto wakiil uga noqda.

     
Loading...