Marka laga hadlayo siyaasadda qaranimada, xasilloonida, iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee Afrika, magaca Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu si isa-soo taraysa uga soo dhex muuqanayaa dalalka ugu iftiinka badan gobolka. Waxaa arrintaas markale sharraxaad mug leh ka bixiyay Michael Rubin, oo ah falanqeeye sare iyo khabiir ku takhakhusay arrimaha siyaasadda Bariga Dhexe iyo Afrika, kana tirsan xarunta cilmi-baadhista ee American Enterprise Institute (AEI).
Michael Rubin wuxuu warbixin dheer ku daabacay warbaahinta Mareykanka, isaga oo iftiimiyay xaqiiqooyin muhiim ah oo ku saabsan taariikhda iyo xaaladda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay waddanka ugu xasilloonida badan Geeska Afrika, islamarkaana ay mudan tahay inay beesha caalamku ay si buuxda u aqoonsato.
Rubin wuxuu xasuusiyay akhristayaasha in Somaliland ay xoriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska 26-kii June 1960, ka hor intii aanay si iskeed ah ula midoobin Soomaaliya. Hase yeeshee, uu midowgaasi noqday mid fashilmay, isla markaana ay Jamhuuriyadda Somaliland go’aansatay 1991 in ay xoriyaddeedii dib ula soo noqoto, kaddib burburkii dowladda Soomaaliya.
Khabiirani waxa kale oo uu sheegay in Somaliland muddadaas 34-ka sanno ah ee ay sida madaxa-bannaan u jirtay, ay dhisatay Dawladdnimo shaqaynaysa, nabadgelyo iyo kala dambeyn la isku halleyn karo, doorashooyin dimuqraadi ah oo ay dunidu u riyaaqday iyo Bulsho wax-garad ah oo u heellan horumar. Taasina ay tahay sababta uu Michael Rubin u yidhi: "Somaliland wax bay qabsatay iyadoo aan wax caawimo ah oo muuqata ka helin beesha caalamka.”
Rubin waxa uu sidoo kale cadeeyay in midnimadii ay Somaliland qaybta ka ahayd lixdankii ay noqotay mid aan waxtar u lahayn shacabka reer Somaliland, taas oo keentay in ay qaataan go’aan taariikhi ah oo ah in ay dib ula soo noqdaan madax-bannaanidoodii. Wuxuu xusay in xitaa muddadii koobnayd ee ay xoriyaddeeda lahayd lixdankii, ay Somaliland heshay aqoonsi rasmi ah oo ka yimid waddamo badan oo ay ka mid yihiin shanta waddan ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo 35 dal oo kale.
Doodda Michael Rubin waxay su’aal adag hor dhigaysaa beesha caalamka: Maxaa loo diiday waddan sida Somaliland oo kale ah oo nabadgelyo leh, dimuqraadi ah, una heellan horumarka? Somaliland waxay si sharci ah, taariikhi ah iyo dhab ahaanba u buuxisay shuruudihii dal la aqoonsan lahaa. Waxaa la joogaa waqtigii caalamku dhageysan lahaa codka shacabka reer Somaliland oo muddo dheer sugayay xaqa ay u leeyihiin inay ka mid noqdaan quruumaha la aqoonsan yahay ee dunida.”
Erayada Michael Rubin ma aha oo keliya falanqayn siyaasadeed; waa baaq cadaalad ah oo beesha caalamka loo dirayo. Somaliland waxay leedahay xaq buuxa, taariikh adag, horumar iyo dawladnimo dhab ah oo ay ku kasban karto aqoonsi caalami ah. Waa dal ku dhisan rabitaanka shacabka, maamul hufan, iyo nabad waarta haysta, taas oo ah arrimo ay dunidu u baahan tahay in lagu abaalmariyo, laguna dhiirrigeliyo.