Dadkii barakacay waxay hadda ku sugan yihiin Barjeex, iyagoo,,,,
Abaar aad u daran oo muddo laba sano ah socotay ayaa si ba’an u saameysay bulshada xoolo-dhaqatada ah ee ku nool xeebaha galbeedka Somaliland.
Xoolihii way ka dhammaadeen, dhulkii waa qalalay, kuleyl xad-dhaaf ah ayaana ka jira, halka dadka reer miyiga ahi ay ku nool yihiin xaalad gaajo, haraad, iyo nafaqo darro halis ah.
Qoysas badan ayaa guryahoodii ka barakacay kadib markii xoolaha ay noloshoodu ku tiirsanayd ay dhammaadeen.
Biyaha ayaa cidhiidhi noqday, cunadii bariiska cad ahaydna waa tan kaliya ee la karinayo habeenkii iyo subaxii, taasoo aan wax nafaqo ah lahayn.
Dadkii barakacay waxay hadda ku sugan yihiin Barjeex, iyagoo kasoo hayaamay Laanta-morohda, waxaana si cad loo sheegay in dadkaasi u baahan yihiin gurmad bini’aadantinimo oo degdeg ah, haddii Alle idmo.’
Waxaaney yidhaahdeen"Waanu gaajooneynaa, waanu daadumeynaa, gurmad degdeg ah ayaanu u baahanahay.”
Gaba-gabadii waxa dowladda, hay’adaha samafalka iyo shacabka reer Somaliland looga baahan yahay in si degdeg ah loo gaadho dadka abaartu halakeysay si loo badbaadiyo nafaha hadhay.