Si kastaba ha ahaatee, waxa cajiib ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya
Saacadahii u dambeeyey, waxaa cirka isku sii shareeraya xidhiidh siyaasadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Kenya,.Arrimaha waaweyn ee labada dhinac u socda ayaa muujinaya kor u kaca isfahamka iyo wada-shaqeynta labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, waxa cajiib ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu mashquulinayo waraaqo iyo hadallo aan la jaanqaadi karin heerka Dublamaasi iyo xidhiidhka Somaliland iyo Kenya.
Warka ay Kenya baahinayso wuxuu u muuqdaa mid la doonayo in lagu dejiyo dareenka Dowladda Federaalka, si aysan si buuxda isha ugu hayn xidhiidhka sii xoogeysanaya ee Somaliland iyo Kenya.
Ujeeddada ka dambeysa dhaq-dhaqaaqyadan waxay u muuqataa mid lagu muujinayo xaqiiqada cusub ee siyaasadeed ee gobolka, iyadoo la xoojinayo madax-bannaanida Somaliland iyo doorkeeda geeska Afrika.