Xildhibaan Daahir Cali Jaamac, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda wadajir iyo waxqabad ugu baaqey inay xooga saarto dhiirigelinta wax soo saarka dalka, si looga maarmo ku tiirsanaanta dalka dibediisa, taas oo dhinaca kalena horseedaysa in bulshadu gaadho isku-filaansho dhinaca cuntada ah.
Sidoo kale waxa uu xukuumadda ka codsadey inay maalgelin u sameyso beeraleyda iyo xoola dhaqatada, si mudnaanta kowaad loo siiyo wax soo saarka iyo dhaqashada xoolaha, oo uu xusay inay wax weyn katari doonaan sicir-bararka iyo hoos dhaca dhaqaale ee sameynta taban ku yeeshay bulshada.
Xildhibaan Daahir waxa uu tilmaamey in Maxaabiista iyo ciidamada dalku ay kaalin wax ku ool ah ka qaadan karaan tacabka iyo wax soo saarka si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka.
Xildhibaan Daahir Cali Jaamac ayaa tilmaamay in haddii tacabka Beeraha iyo Xoolaha awooda la saaro, ay dadka iyo dalkuba isku filaansho gaadhayaan, sidoo kalena ay ka qayb qaadataan koboca dhaqaalaha dalka, laga maarmi doono waxyaabaha qaaliga ah ee dalka dibadiisa laga soo dhoofiyo.
Xildhibaan Daahir Cali Jaamac, waxa uu sidan ka sheegay wareysi gaara uu siiyey Wargeyska Dawan.
Waxaanu yidhi."JSL, waxay jirta 34 sano marxaldo maanta aynu taaganahay kuwa ka xun ayaynu ka soo gudubney, ILLAAHEY mahadii maanta meel fiican ayaynu mareyna, sida baahiyaha aasaasiga, ee waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, isu-tanaasulka iyo qaabka wax waliba inoogu socdaan,”
Xildhibaanku waxa uu hoosta ka xariiqey in nolosha bulshada uu saameyn taban ku yeeshay hoos u dhaca dhaqaale iyo sicir-bararka xadhkaha goostey ee ay sababtay wax soo saarkii gudaha oo yaraaday.
Waxaanu yidhi. "Maanta bulshadeenu waxa ay ka cabaneysa inay noloshu adkaatey, sicir-bararku xadhkaha goostay, waxaasina waxa sabab u ah dal aan wax soo saar lahayn oo meeluun fadhiya, waxay ila tahay in aanay ciddina waxba u keeneyn, balse dalku u baahan in wax soo saarka loo guntado oo xil ay iska saarto xukuumadda wadajir iyo waxqabad.
Waxa layaable in maanta Basasha dherigeena lagu darayo in laga sugu dad buur dhakadeed saaran, inoo iibkeenaan isla markaana aynu taasi ku tiirsanahay, khudrada noockasta oo ay tahay dalkeena way ka bixi karta, sidaasi darteed waa in dadka lagu dhiirigeliya sidii ay wax ula soo bixilahaayeen.”
Xildhibaan Daahir Cali Jaamac ayaa tilmaamay in haddii tacabka Beeraha iyo Xoolaha awooda la saaro, ay dadka iyo dalkuba isku filaansho gaadhayaan, sidoo kalena ay ka qayb qaadataan koboca dhaqaalaha dalka, laga maarmi doono waxyaabaha qaaliga ah ee dalka dibadiisa laga soo dhoofiyo.
Waxaanu yidhi."Dhaqaalaha la rabo in loo kordhiyo hay’addaha kala duwan ee dowladda, ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, haddaba maxaabiista waa lagu soo saari kara, ciidamada Qaranku way soo saari karaan.
Xukuumadda wadajir iyo waxqabad waa inay dhiirigeliso, beeraleyda, xoola-dhaqatada si kutiirsaneenteeni loo sooceliyo, sidaasi darteed waxaan soojeedinlahaa in wax soo saarka xooga la saaro, markaasi ayaa laga bixi kara caqabadaha jira ee ay ugu horeeyaan sicir-bararka iyo hoos udhaca dhaqaale,”
Xildhibaan Daahir waxa uu farta ku fiiqey in sarifka lacaguhu gaadhey meeshi ugu sareysay.
Waxaanu yidhi."Maanta 100-kii dollarka halka uu marayo waynu aragna, waxa jabinlaha waa wax soo saarka gudaha oo aynu xoojino, marka waxaan soojeedinaya in wax soo saarka aad iyo aad loogu dadaalo, xukuumadduna ha maalgeliso wax soo saarka.
Dowlad kasta oo aynu booqano aynu waydiisano inay ina siiyaan agabkii aynu kula soo bixilahayn wax soo saarka dalka”