"Dalka Waa in aynu Difaacno Xudduudihiisana Dhawrno" Xildhibaan Barkhad Batun

Friday July 11, 2025 - 16:41:01
hadhwanaagnews
Waxaanu yidhi"Somaliland waa dal aynu ku dhalanay, d



Xildhibaan Barkhad Jamac Xirsi Batuun oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaleeceeyay faragelinta ay dawladda Soomaaliya ka wado Bariga gobolka Sanaag, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in dalka la difaaco, ciidanka la dhiirigaliyo, Xudduudana la ilaaliyo, taasina ay tahay waajib saaran qof kasta oo muwaadin ah.

 

Waxaanu yidhi"Waxaan u arkaa in aanu ilaashano Somaliland, in aanu difaacno, in aanu ciidanka dhiirgalino, in aanu xudduudaheeda dhawrno inay tahay waajib na saaran oo Dastuuriya ".

 

Xildhibaan Barkhad ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal ay ilaashanayaan dadkeedu, isla markaan ay jecel yihiin inay difaacaan, dhawraana sharafta dhulkooda sidoo kalena ay diyaar u yihiin inay ka difaacaan ciddii soo fara-galisa

 

Waxaanu yidhi"Somaliland waa dal aynu ku dhalanay, dal aynu jecelnahay, waa dal aynu hareeraha ka istaagayno, arrimaheega siyaasiga ah madhasheedii ma joogo oo macalin tababar bixinaya ayaan ahay, balse difaac dalka, ilaalinta sharafta Muwaadiniinta , awood gelinta ciidanka iyo garab sitaagooda, is barbar taaga xukuumadda, jihaynta siyaasadda madaxwaynaha arrimo dibadeed iyo arrimo gudeedba, in ay shacabkuna ku barbar istaagaan.

 

Ka gole ahaana aanu ku garab istaagno oo dalkan aanu ilaalino oo horumarkiisa ka shaqayno waa waajib na faran, maadaam oo masuuliyiin u dhaartay aanu nahay”.

     
Loading...