Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-yaasin Maxamed Faarax, ayaa sheegey in JSL, ay martigelinayso tartanka caalamiga ah ee Hargeysa Maradoon, kaas oo ay ka soo qayb-geli doonaa toban dal, waxaanu xusay in la qaban doono 15/8/2025-ka.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aqoonsi raadinta qadiyadda madax-bannaanida Jamhuuriaydda Somaliland iyo magaca dalkeenu ba ay arrimaha ciyaaruhu qayb weyn ka qaadan doonaan.
Dhanka kale waxa uu intaas ku daray in ay dib u bilaabmi doonaan xidhiidhadii ciyaaraha ee socday ee hakadka galey mudadii ay socotay doorashada masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha JSL. Waxaanu yidhi."Ictiraaf iyo magac haddii ay noqotaba waxyaabaha aynu wax kaga qaban karno ayay ciyaaruhu ka mid yihiin, waxa naga go’an dhiirigelinta dhallinyarada iyo ciyaaraha intaba.”
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-yaasin Maxamed Faarax, ayaa sheegey in JSL, ay martigelinayso tartanka caalamiga ah ee Hargeysa Maradoon, oo ay ka soo geli doonaa toban dal, waxaanu xusay in la qaban doono 15/8/2025-ka.
Waxaanu yidhi."Bisha 15/8/2025 ayaa la qaban doona tartanka caalamiga ah ee orodada Hargeisa International Half Maraton, dalalka ka qaybgelaya waa Somaliland, Angola, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kongo, South Sudan, tobanka dalka ayaa ka soo qaybgeli doona haddii ILLAAHEY yidhaahdo waxaaney ciyaaruhu bilaabmi doonaan Juun 21-keeda haddii ILLAAHEY yidhaahdo”
Dhanka kale waxa uu intaas ku daray in ay dib u bilaabmi doonaan xidhiidhadii ciyaaraha ee socday ee hakadka galey mudadii ay socotay doorashada masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha JSL.
Waxaanu yidhi."Sidoo kale waxa aanu rajeynayna in aanu si hufan u qabano tartanadii 13 xidhiidh ee ciyaaraha in aanu qabano, 7 xidhiidh ciyaarahoodii ayaa la qaban doonaa, toddobaadka danbe haddii ILLAAHEY yidhaahdo”
Wasiir Axmed-yaasin waxa uu intaas ku daray in ay qaban doonaan tartannada horyaalka kowaad, labaad iyo saddex ee gobollada dalka
Waxaanu yidhi."Waxa inoo bilaabmi doona tartanka horyaalka kobaad ee kubada cagta, caasimada Hargeysa, heerka kowaad, labaad iyo ka saddexaadba, haddii ILLAAHEY yidhaahdo.
Tartanada heerararka kowaad iyo labaad ee gobolada Togdheer iyo Gabiley ayaa inoo bilaabmi doona, waa ciyaarihii socday ee hakadka galey”
Gaba-gabadii wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-yaasin Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in la qaban doono tartano ciyaareed oo kala duwan.
Waxaanu yidhi."Tartanka ciyaaraha ee hablaha, ka kubada Teniska, tartanka kubada laliska,tartanka dabaasha, iyo ka feedh-feedhka ee caasimada Hargeysa, ayaa la qaban doona”