HADHWANAAGNEWS
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Curashada Cirkee Guga,Citiraafka Buuxsamay,
Cabashadii Dadkeenaa,Caadikeenu Ka Aqbalay.
Cirro Xoog Ku Keeniyo,Cududeena Kuma Imanè,
Casiiskeena Mahadsho,Caasiyiin Ha Noqonina.
2-Ciyaariyo Durbaan,Cagtaw Dhiga Mashxarado,
Cirteed Bogoto Dumaro,Casar Seexata Ceebah,
Rag Caloosha La Ciyaar,Ciil Kama Koraa Daran,
Casiiskeena Mahadsho,Caasiyiin Ha Noqoninah.
3-Caana Goorta Saydhaan,Laysu Soo Ciyaargudo,
Cadaloolka Iyo Luufka,Çuudka Kala Xabadhaan,
Cabsidii Ilaahay(Swt),Camal Khayrleh Laga Tago,
Casiiskeena Ka Yaaba Oo,Caasiyiin Ha Noqoninah.
4-Cuudkaydun Dhaqataan,Caws Intod Beertaan,
Carcaraafka Geedigan,Cisho Noolba Joogiyo,
Ceelal Iyo Berkedo Qoda,Guga Inta Ka Celisan,
Casiiskeena Mahadsho,Caasiyiin Ha Noqonina.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!