Somaliland ayaa si cad u sheegtay inaanay qayb ka noqon doonin colaadaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalka Gaza.
Tani waxay timid kadib markii warar soo baxay ay muujinayeen in Maraykanku doonayo in qayb
ka mid ah dadka reer Gaza loo raro Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa wareysi uu siiyay
warbaahinta Daily Euro Times ku sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi caalami ah,
balse aysan diyaar u ahayn inay gasho wax khilaaf hubeysan oo saameynaya Bariga Dhexe.
Cabdiraxmaan wuxuu si cad u sheegay in Somaliland aysan aqoonsigeeda u adeegsan doonin
sidii badeeco la kala bedelanayo, balse ay ku istaagi doonto mabda’ iyo sharaf. Wuxuu carabka ku
adkeeyay in aqoonsigu u baahan yahay inuu ku salaysnaado xaq-dhowrka qarannimada iyo
doonista shacabka Somaliland.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray inay Somaliland mar walba diyaar u tahay wadahadal kasta oo
lagu dhisayo nabad iyo iskaashi caalami ah, balse aysan aqbali doonin in la geliyo gorgortan ku
saabsan khilaafaadka murugsan ee Bariga Dhexe.
Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in Somaliland ay xidhiidh la yeelan karto
Israa’iil, haddii ay danta qaranka iyo nabadda gobolka sidaas ku jirto, iyadoo aan la dayacin
rabitaanka shacabka Somaliland.
Wararka sheegaya in dadka reer Gaza loo raro Somaliland ayaa soo ifbaxay 14-ka Maarso 2025,
kadib markii wakaaladda wararka ee AP ay daabacday in Maraykanka iyo Israa’iil ay ka kirayaan
qorshe lagu rarayo dadkaasi, iyada oo Somaliland, Suudaan, iyo Soomaaliya laga faa’iidaysanayo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa beeniyay in Somaliland la ogeysiiyay ama la weydiistay inay
qayb ka noqoto qorshahaasi, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo arrintaas
lagala yeeshay Somaliland.
Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay inaanay Somaliland marnaba u dulqaadan doonin in lagu
daro mashruucyo xasaasi ah oo dhaawici kara sumcadda iyo mabda’a qaranka, taas oo uu
tilmaamay inay tahay wax laga irsado.
Sidoo kale, warbaahinta qaar ayaa horay u qoray in Somaliland ay u dhowdahay inay aqbasho
dadka reer Qasa si ay aqoonsi uga hesho Maraykanka, taasoo keentay caro ka dhalatay