Guddoomiyaha KAAH: "Somaliland wanaag ayay dunida ku soo kordhisay, balse beesha caalamku way hagratay"

Saturday April 18, 2026 - 02:01:37
hadhwanaagnews
"Somaliland haddaynu nahay waxba maynaan hagran, dunida



Guddoomiyaha Xisbiga KAAH, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay door muuqda ka qaadatay horumarinta nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah, balse ay beesha caalamku ku guul-darraysatay inay si cadaalad ah uga falceliso horumarkaasi.


 

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in Somaliland ay tahay dal si joogto ah uga shaqeeyay xasiloonida iyo horumarka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aanay wax dhibaato ah ku hayn dunida, balse ay ku soo kordhisay wanaag la taaban karo.


 

"Somaliland haddaynu nahay waxba maynaan hagran, dunida na dhib kuma haynee wanaag ayaynu ku soo kordhinay oo dad xun xun ma nihin. Waxaynu nahay dad wanaagsan oo dunida amnigeeda, horumarkeeda iyo iskaashigeeda midna dhibaato kuma hayno, balse wanaag baynu ku soo kordhinay,” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamuud Xaashi Cabdi.


 

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu sheegay in inkasta oo dedaalladaasi jiraan, haddana beesha caalamku ay Somaliland ka gaabisay, isla markaana ay taageerto dhinacyo kale oo uu ku tilmaamay kuwo guul-darraystay.


 

"Laakiin beesha caalamka ayaa ina hagratay, iyaga oo taageeraya walaaladeen uu qarankoodu guul-darraystay isla markaana ay kabayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.


 

Hadalka Guddoomiyaha KAAH ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland iyo kaalinteeda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

     
Loading...