"Dunidu Maanta Somaliland Way Danaynaysaa ee aynu Isku Kalsoonaanno…"

Wednesday June 25, 2025 - 14:47:57
hadhwanaagnews
Madaxwaynaha Somaliland ayaa faahfaahyey khatarta ay leedahay Maydhaanka ...



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay dunidu maanta si weyn u danaynayso, isla markaana loo baahan yahay in shacabka, xukuumadda iyo guud ahaan reer Somaliland ay isku kalsoonaadan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyey daah-furka Shirweynaha Qaran ee La-dagaallanka Maydhaanka Lacagaha, oo uu soo agaasimay Baanka dhexe ee Somaliland, waxaanu tilmaamay in shirkani uu abuuri doono sidii dunidu ay u aamini lahayd nidaamka iyo suuqyada maaliyadeed ee Somaliland, isla markaana uu noqon doono mid kalsooni buuxda ay ka helaan baasha caalamku.

 

Madaxwaynaha Somaliland ayaa faahfaahyey khatarta ay leedahay Maydhaanka lacagaha sida uu u curyaamiyo ama u daciifiyo nidaamka maaliyadeed ee dhaqaalaha dalalka. Waxaanu yidhi.”Shirkani wuxu abuuri doonaa in dunidu ay aaminto ama kalsooni ku qabto nidaamkeena iyo suuqyadeena maaliyadeed, dadka dambiilayaasha ah sida kuwa ka ganacsada daroogada, musqmaasuqa iyo argagixisada ayaa ku shaqaysta ama maalgalin ka hela nidaamka maydhaanka lacagaha, waxa daciifiyaan dhaqaalaha iyo nidaamka maaliyadeed ee dalalka”

 

Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in dadka adeegsada nidaamka Maydhaanka lacagaha ay khatar amni iyo mid maaliyadeed ku hayaan horumarka qaranka waxana ay khalkhal galin karaana kalsoonida ay dunidu ku qabi karto bangiyada iyo nidaamyada maaliyadeed ee Somaliland.

 

Madaxwayne Ciro waxa kale oo uu ka hadlay sida dastuurka Somaliland ay ugu xusan tahay ilaalinta amniga guud ee qaranka, hirgalinta suuqa xorta ah, maalgashiyada gudaha iyo kuwa dibada, iyo sidoo kale isla xisaabtanka iyo nidaamka daahfurnaanta.

 

Waxaanu yidhi. "Dastuurka Somaliland wuxu ina farayaa ilaalinta amniga Qaranka JSL, maalgashiga dibada iyo gudaha, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka”.

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa uu carabka ku adkeeyey sida ay waajib qaran u tahay La-dagaalanka Maydhaanka lacagta iyo ka hortaga maalgalinta argagixisadu, isla markaana tahay mid sharciya.

 

Waxaanu yidhi "La-dagaalanka Maydhaanka lacagta iyo ka hortaga maalgalinta argagixisadu waa waajib, waana sharci”

     
Loading...