Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Congresska Maraykanka, ayaa curiyay 'Xeerka madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland'

Friday June 13, 2025 - 14:32:12
hadhwanaagnews
Sidaasna waxa lagu sheegay xeerkan cusub ee madaxbannaanida Somaliland
May be an image of text that says 'Congressman Scott Perry Introduces


Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Congresska Maraykanka, ayaa curiyay 'Xeerka madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland', kaasi oo jidaynaya in Somaliland loo ictiraafo dal gaarkiisa u taagan.

Mashruucan sharci wuxuu dib u qaabayn doonaa isla markaana lagu sallayn doonaa siyaasadda cusub ee Arrimaha dibadda Maraykanka oo iskaashi la yeellan doonta Somaliland oo ah dal muhiimad istaraatajiyaddeed leh, isla markaana nabdoon oo gaarkiisa isku xukuma.

Sidaasna waxa lagu sheegay xeerkan cusub ee madaxbannaanida Somaliland ee uu soo saaray Xildhibaan Scott Perry, kaasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

Xildhibaan Scott Perry wuxuu caddeeyay in Jamhuuriyadda Somaliland muujisay in ka badan 30 Sannadood dawladnimo, xasilooni iyo iskaashi loo baahan yahay in Maraykanku taageero.

Xildhibaan Scott Perry waxa kaloo uu ku dooday in Maraykanka ay lagama maarmaan u tahay inuu bahwadaag la noqdo cid la isku hallayn karo, oo saacidaysa danaha Maraykanka xilli kasta iyo meel kasta oo ay macquul tahayba.

Xeerkani wuxuu Somaliland ku majeertay inay u tisqaaday si ka madaxbannaan Maamulka Muqdisho ee xasilooni darrada iyo colaaduhu ragaadiyeen, kuna kooban caasimada Muqdisho.
Xildhibaan Scott Perry waxa uu tafaasiil ka bixiyay in Somaliland ku taallo gacanka cadmeed oo u dhow marinka Babul-mendab el-Mandeb oo uu maro ganacsiga adduunku.
Sidoo kale, waxa uu xeerka madaxbannaanida Somaliland ku booriyay dawladda Maraykanka inay cilaaqaad siyaasaddeed la yeellato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal xilkas ah oo gacanta ay ugu jirto maamulkooda maxalliga ah, isla markaana sameeyay doorashooyin dimuqraadi ah, kana hortagay budhcad baddeeda iyo xagjurnimada.
Xildhibaan Andy Ogles oo ka tirsan Congresska, ayaa xaqiijiyay in Shiinuhu uu isku ballaadhinayo bariga Afrika, waxaannu ku baaqay in Maraykanku uu xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay dalalka madaxabannaan ee Somaliland oo kale ah oo ahmiyad weyn u leh Maraykanka.
Waxa kaloo Mudane Andy Ogles uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay gaadhay xasilooni iyo dimuqraaddiyad.
"Waxaan taageerayaa in dadka reer Somaliland ay doonaan madaxbannaanidooda, waxaanan ayidsan nahay in Maraykanku uu la sameeyo xidhiidh xoogan oo ay ku noqdaan xulafadeenna, " ayuu yidhi Andy Ogles.
Sidoo kalena, Xildhibaan Pat Harrigan oo isna ka mid Congress-ka, ayaa daboolka ka qaaday inuu taageersan yahay xeerkan soo jeedinaya aqoonsiga Somaliland, waxaannu tilmaamay inay Jamhuuruyadda Somaliland ay muddo dheer isu xukumaysay si nabdoon oo ay cilaaqaad la leeyihiin Taiwan, isla markaana gaashaanka ku dhufteen Shiinaha.
Mudane Pat Harrigan wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay tahay waddan madaxbannaan oo ka gooni ah Soomaaliya, waxaanu soo jeediyay in siyaasadda Maraykanku ay ka turjunto arrintaas.
Waxa kaloo Pat Harrigan uu sheegay in dawladda Maraykanku ay Geeska Afrika kula tartanto xoogaga cadowga ku ah ee Shiinaha hormuudka u yahay.

May be an image of 1 person
     
Loading...