Wasiir Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa ku dheeraaday ...
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa jawaab adaga ka bixiyay daan-daansiga colaadeed ee ay dawladda Muqdisho ka wado qaar ka mid ah deegaanada Bariga Sanaag.
Wasiirka warfaafinta JSL, ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay dawladda deeganadeedii ay shabab kala wareegtay ee ku guul daraystay nabadaynta Muqdisho ee haddana ku hawlan colaad Ceerigaabo
Waxaanu yidh "Waxan Xasan Shekh maanta leenahay, waxaad maraysaa Neefku marka la gawraco mar mar buu kacaa sakaraadka, dabadeena Geedaha ayuu jiidhaa, ninka ay Moqokori Shabab ka qabsanayso ee Muqdisho nabadgelyadeedii xasilin kari la’a ayaa Sanaag Ciidan baan ka qori oo Ciidan baan u soo dirayaa leh, waa wax laga xishood”.
Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata fara-galinta uu Xasan Sheekh ka wado Sanaag uu isagu qaadi doono
"Waxaanu leenahay cawaaqibka waxaa aad faraha kula jirto Xasan Sheekhow cidi kula yeelan mayso’e adaa qaadin doona”.
Wasiir Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa ku dheeraaday fashilka iyo guul darrada dawladda Xamar ka haysta inay sugto amnigeeda iyo sida ay uga shaqaynayso cadaawada Somaliland iyada oo albaabadeedii laga qabsaday
Waxaanu yidhi "Waa wax laga xumaado nin madaxwayne loo doortay oo dal masuul looga dhigay, oo intii masuulka looga dhigay xasilin kari waayay nabadgelyadeedii, albaabkiisii Shabab ay garaacayso oo ay maalinba degmo ka qabsanayso, haddana indho la’aan iyo xumaad darteen inuu fadqalad ka abuuro Somaliland, haddana Ciidamo u soo dirayaan degmooyin ka mid ah Bariga Somaliland, colaad ka hurinaya dadkii wada dhashay ee halkaasi deganaa, madaxana isu galinaya, taasi ayaanu mawqifka xukuumadda iyo jawaab sax ah ka siinaynaa”.