Kulankan oo qaatay Saacado ayaa kusoo Dhamaaday
Guddida arrimaha Gudaha, Amniga iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu guddoominayay guddoomiye ku xigeenka guddidaasi Mudane Axmed Maxamuud Cabdilaahi (Fanax), ayaa maanta kulan la yeeshay Xubinta Cusub ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka ee Madaxwaynuhu usoo Gudbiyay Golaha Wakiilada Mudane Cabdirisaaq Maxamed Siciid, si ay u hubiyaan Aqoontiisa iyo Shuruudaha ku xusan Qodobka 15-aad ee Xeer Lr 91/2023.
Kulankan oo qaatay Saacado ayaa kusoo Dhamaaday in Guddidu Xubinta cusub u Gudbiso Gole-waynaha si ay waajibkooda Dastuuriga ah uga gutaan, Kulanka oo ka Qabsoomay Xafiiska Guddida ee Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland.