Waxaanu yidhi."Waxan ganacsatada reer Somaliland ka codsanaynaa,,,,
Maayer ku xigeenka golaha deegaanka Caasimada Hargeysa Mudane Khadar Axmed Cumar, ayaa ganacsatada cuntooyinka kala duwan keenta dalka ugu baaqay in cuntada ay dalka keenayaan noqoto mid tayadeedu sarayso oo aanay u eegin dhanka qiimaha.
Maayer ku xigeenka ayaa sheegay in muhiimadda kowaad ay tahay sidii dalka loo keeni lahaa cunto tayadeedu sarayso si loo ilaaliyo caafimaadka iyo badqabka shacabka, waxaana uu tilmaamay xanuunada ugu badan ee dadku dhakhtarada u tagaan ay tahay kuwo ay ka qaadaan cunooyinka.
Waxaanu yidhi."Waxan ganacsatada reer Somaliland ka codsanaynaa in cuntada ay dalka keenayaan noqoto mid tayadeedu sarayso qiimaha ay doontaba ha noqotee, muhiimadu waa Tayada si aynu caafimaad wanaagsan ay bulshadeenu u hesho, bulshada dhakhaatiirta tuban waxay xanuunka ka qaadeen waa waxyaabaha caloosheena galaya, waa in la hubiyo Taariikhda dawooyinka iyo Cuntooyinka wakhtiga ay dhacayaan”
Geesta kale Maayer ku xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa shacabka u soo jeediyey inay iska hubiyaan Taariikhda marka ay iibsanayaan Cunooyinka taasi oo muhiim u ah caafimaadka, isla markaana haddiiba ay la kulmaan wax dhacay oo laga iibiyey soo wargaliyaan Dawlada hoose taasi oo dawlada hoose ay waajib ku tahay inay wax ka qabato qof iibinaya wax yaabaha khatarta ku ah shacabka.