Madaxweynaha ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qayb galay xidhitaanka Munaasibadda Kulanka Islaamka Sannadlaha ah ee ka qabsoomay magaalada Hargeysa. Kulankan oo si rasmi ah loo furay 25-ka Sebtembar, ayaa sanad walba isu soo jiita in ka badan 70,000 oo qof, kuwaasoo ka kala yimaada gudaha Somaliland, wadamada deriska ah iyo guud ahaan caalamka.
Kulanka Islaamku waa mid leh muhiimad weyn oo diimeed, dhaqaale iyo bulsho, kaasoo ujeedkiisu yahay xoojinta iimaanka, ku dhaqanka qiyamka Islaamiga ah, iyo kor u qaadista wacyiga bulshada Muslimka ah. Sidoo kale, Kulanka ayaa ah madal muhiim ah oo lagu dhiso midnimada iyo walaaltinimada ummadda Muslimiinta ah, isla markaana lagu faafiyo aqoonta iyo barashada diinta Islaamka.
Magaalada Hargeysa ayaa sannad walba martigelisa Kulanka Islaamka, taasoo ka dhigtay xarun lagu yaqaan nabad, xasillooni, wadajir iyo wada noolaansho diimeed iyo bulsho. Munaasabaddan ayaa kor u qaaday sumcadda Somaliland ee caalamka, iyadoo caddeyn u ah sida Somaliland ay uga go’an tahay ilaalinta iyo dhiirrigelinta diinta, dhaqanka, iyo wada noolaanshaha bulshada.
Waxaa xusid mudan in Kulanka Islaamka uu noqday munaasabad caalami ah oo si weyn loo sugo laguna qadariyo, waxaana ka soo qayb gala culimo waaweyn iyo khubaro diimeed oo aqoon sare leh, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara faafinta iyo barista diinta Islaamka.
Xidhiidhka Somaliland la leedahay bulshada caalamka Islaamka ayaa sii xoojinaya doorka iyo kaalinta ay Somaliland ku leedahay gobollada Geeska Afrika iyo dunida inteeda kale. Waxay tani cadeyn u tahay dadaalka joogtada ah ee Somaliland ku bixinayso sidii ay u noqon lahayd meel lagu daydo nabad, wadajir, iyo horumar dhinac walba leh.
Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dadkii ka qayb qaatay abaabulka iyo hirgelinta kulankan muhiimka ah, taasoo ka tarjumeysa niyadda wanaagsan ee bulshada Somaliland iyo sida ay u daneynayaan xoojinta diinta iyo dhaqanka wanaagsan.