Madaxweyne Cirro Oo Hambalyo Ciidul-Adxaa U Diray Shacabka Somaliland Meel Kasta Oo Ay Joogaan

Tuesday May 26, 2026 - 18:57:43
hadhwanaagnews
Waxa uu sidoo kale shacabka ku boorriyey inay xoojiyaan isku duubnida,...



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa hambalyo iyo bogaadin ku saabsan munaasibadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa u diray dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan, gudaha dalka iyo dibaddaba.


 

Madaxweynuhu waxa uu shacabka Allah SWT uga baryay in uu ka aqbalo acmaasha suubban, isla markaana caafimaad, nabadgelyo iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo Ciiddeeda kale.


 

Waxa uu sidoo kale shacabka ku boorriyey inay xoojiyaan isku duubnida, is-caawinta iyo garab istaagga dadka baahan, isaga oo xusay in Ciiddu tahay maalin ku dhisan naxariis, walaalnimo iyo isu damqasho.


 

Madaxweyne Cirro ayaa si gaar ah hambalyo iyo mahadnaq ugu diray Ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL, hawl-wadeennada xukuumadda, culimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo door weyn ka qaata ilaalinta qarannimada, nabadda iyo wadajirka Somaliland.


 

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ummaddiisa u rajeeyay Ciid barwaaqo, bashbash, midnimo iyo guul qaran ku suntan.

     
Loading...