Guddoomiyaha gobolka Badhan Cabdisalaan Maxamed Xasan ayaa ka hadlay xaaladda guud ee gobolka Badhan iyo soo dhawaynta Madaxdhaqameedka iyo bulshada goblka Sanaag ee gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland uu dhigay.
Guddoomiye Cabdisalaan Maxamed Xasan waxa kale oo uu sheegay in gobolka Badhan ay ka jirto hadda xaalada abaareed oo daran, isla markaana deegaanku u baahan yahay gurmad samato-bixin ah oo lala soo gaadho dadka jilicsan.
Guddoomiyaha gobolka Badhan, waxa kale oo uu diginin adag u diray dawladda Muqdisho oo uu sheegay in ay abaabul colaadeed iyo fadqalalo ka waddo deegaanka.
Guddoomiye Cabdisalaan oo ku sugan magaalada Badhan, ayaa sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu Khadka Taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.
Ugu horrayn guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay sida ay bulshada gobolka Badhan u aragtay gogosha nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland, ayaa yidhi. "Gogosha nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland fidiyay waa mid la sugayay oo loo baahnaa, bulshada goblkuna aad ayay u soo dhawaysay, waxaana taas marag u ah sida ay u soo dhaweeyeen madaxdhaqameedka gobolka Badhan, taas oo ay kaga wakiil yihiin bulshada deegaanka, waxaana hadda loo gudbayaa goormaa la tegayaa shirka nabaddas, marka nabad la helo ayay wax kastaa ba hagaagayaan, isla markaana ay suuro-gelaysaa in ay noloshu hagaagto.”
Guddoomiyaha gobolka Badhan, waxa uu intaasi raaciyay "Bulshada walaalaha ah ee aan kala tegayn ee isku dadka ah in nabad-gelyadooda laga shaqeeyo, waa arrinta ugu wayn ee Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu ka shaqaynayo, waxaana madaxweynaha qaranka ka go’an in bulshada wada-jirkooda la soo celiyo, waana ta aanu ku shaqaynayo.”
Cabdisalaan Maxamed Xasan, Guddoomiyaha gobolka Badhan, waxa uu tilmaamay in dadka deegaanku ay diyaar u yihiin in ay nabadda ka shaqeeyaan, waxaanu yidhi "Dadku waa u diyaar in ay nabada qaataan oo ay ka shaqeeyaan, si bulshada isku duubnideedii ay u soo noqoto, waxaanan aad ugu bogaadinayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro in iyada oo Xukuumaddiisu ay jirto 7 bilood oo kaliya inuu ku dhiiraday in uu ka shaqeeyo isu keenista Bulshada iyo walaalaynta dadkiisa, dhinaca madaxdhaqameedka iyo bulshada gobolka Badhan na waa u diyaar in ay gogosha nabadeed ka qayb galaan, taasina waxay meesha ka saraysaa kala qoqobnaanta bulshada wada-dhalatay iyo cunfiga dadka la kala dhex dhigay.”
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga wayiiyay xaalada nabadgelyo ee deegaanka, ayaa ku jawaabay "Xaaladda nabadgelyo hadda way wacan tahay wax dhibaato ahina kama jiraan, waxaase jirtay in colaad iyo faro-gelin ay ka waddo deegaanka xukuumadda Muqdisho ee Xasan Sheekh Maxamuud oo aan awoodin inuu degmooyinka Xamar nabadgelyo ku dhex maro, kaas ayaa haddana ku foogan in uu colaad ka huriyo deegaano ka mid ah gobolka Badhan, waxaanan u sheegaynaa in aanay Somaliland marnaba u dul qaadanayanin in ay Soomaaliya faro-gelin ku samayso deegaano ka mid ah gobolka Badhan.”
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay ka Xukuumad ahaan waxa ay ugu talo galeen adeegyada arrimaha bulshada ee ay gobolka la tageen, ayaa yidhi "Horta gobolka markii hore xaalado colaadeed oo muddo soo jiitamayay ayaa ka jiray, laakiin iminka ayay xaaladu is bedeshay oo noloshii dib u soo kabanaysa. Marka aan adeegyada arrimaha bulshada ka hadlo waxbarashadii way ka jirtaa, caafimaadkiina wuu ka jiraa, inkasta oo uu kooban yahay, laakiin ka Xukuumad ahaan waxaannu wadnaa qiimayn iyo kormeer aannu gobolka oo dhan ku marayno, kuna darsayno waxqabadyada gobolka laga hirgelinayo, taas oo aan ku war gelin doono Xukuumadda dhexe oo dhankeeda diyaar u ah in gobolka aanay waxba kala hadhin, wax kasta oo uu u baahan yahayna itaalkeeda diyaar ayay Xukuumaddu ula tahay in ay ka qabato gobolka Badhan.”
Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaaladda abaareed ee deegaanka ka jirta, ayaa yidhi "Gobolka xaalad adag ayaa ka jirta oo abaareed, laba xili oo gu’ ah deegaanka roob muu helin, waana abaar baahsan, waxaanan Xukuumadda iyo hay’addaha caalamiga ah ba ugu baaqayaa in dadkaa gurmad lala soo gaadho oo dadka iyo duunyaduba way jilicsan yihiin oo waxay u baahan yihiin in gurmad lala soo gaadho, waxaannuna wadnaa qiimaynta xaaladda abaarta ee aanu u dirayno xukuumadda laameheeda kala duwan.”