Guddoomiyaha guddi hoosaadka amniga iyo nabad-galyadda ee Golaha guurtida Somaliland Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Ilkacase ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyada dawladda Muqdisho ay ka waddo bariga gobolka Sanaag, xaalada abaareed ee deeganada waqooyiga gobolka Awdal, Banka Wajaale iyo deegaanka Agabar.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Ilkacase ayaa dawlada Muqdisho ku eedeeyey inay hiil u tahay kooxaha xagjirka ah iyo dad kale oo uu ku tilmaamay inay nabad-gelyada gobolka khatar ku yihiin, isla markaana laga hortaagnaa, kuwaasi oo sida uu sheegay marka hore ba dawlada Somaliland awood ciidan kaga hortagtay.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Ilkacase oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Soomaaliya waxay u xuub siibanaysaa oo ka muuqanaysa ficiladeeda in ay gurmad iyo hiil u tahay dadkii nabad-galyo darada iyo falalka argagixisada ka waday jiidahaa, markii lala dagaalamay ee gacan adag lagu qabtay inay gacansiiso waxaan u aragnaa inay Soomaaliya u badheedhay.”
Waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyey ”Awal hore ba mandaqada inta ka fayoobi waxay doontaba haysku waxay ahady Somaliland uun, maanta Soomaaliya inay dab ku soo dhex tuurto oo ay Laascaanood na dab ka shido Sanaag barina ay dab ka shido oo ay isugu dhiibto qori oo ciidamo laga qoro waxa weeyaan nasiib-darro waxaanay ka mid tahay ayaan darooyinka haysta dawladda Muqdisho.”
Guddoomiyaha guddi hoosaadka amniga iyo nabad-gelyadda golaha guurtida Jamhuuridda Somaliland ayaa dhinaca kale ka hadlay war dhawaan ka soo baxay dawladda Muqdisho kaasi oo ku aadanaa abaarta ku dhuftay xeebaha gobolka Awdal, waxaanu sheegay in dhaqanka Somalidu ku dhisan yahay iscaawin marka ay timaado dhibaato balse ay reeban tahay in Soomaaliya ka dhex raadiso dadka abaaruhu saameeyeen arimo siyaasiya. Waxanu hoosta ka xariiqay abaar hore uga dhacday Soomaaliya taakulayntii Somaliland ururisay in ay qaadeen guddi is kugu jirta dhaqan iyo ganacsato, waxaanu tilmaamay tan maanta ay soo hadal qaadeenna inay soo maraan wadadaa horeba la isugu marin jiray taakulaynta marka ay dhibaato timaad.
"Abaartii Soomaaliya ka dhacday intay ganacsatadeenu lacag qaaday bay gaysay, nidaamka iyo qaabka ay marayso hadii wax la bixinayo oo dadka Soomaaliyeed is caawinayso oo dadka abaaburuhu ku dhaceen ay wax tarayaan nidaam la maro ayay lahaan jirtay, laakiin in la siyaasadeeyo wax yaabaha bani, adantinimada ah oo ay sawir ku gasho oo yidhaadaana anaga oo dawlada Soomaaliya ah ayaa wax tarayna, taasi wax tar maahee waa deel qaaf” ayuu yidhi Xildhibaan Maxame Sheekh CabdiraxmaanIlkacase.
Geesta kale Guddoomiye Maxamed Cabdiraxmaan Ilkacase oo ka hadlay arinta banka Wajaale oo mudooyinkii dambe hadal hayn dhalisay ka dib markii ay soo baxday in lagu wareejinayo shirkad ka shaqaysa dhinaca wax soo saarka beeraha oo lagu magacaabo Pharo Fundation, ayaa waxa uu tilmaamay hadiiba ay dunida dagaal sadexaad ka dhaco kaliya in ay badbaadi doonto bulshada dhulkeeda tabcatay.
Waxana hadalkiisa ka mid ahaa "Arinta taala banka Wajaale reero is haysta hadda oo laga shaqeeyaa ma jiraan, xaalada uu waddanku ku jiro iyo waxa adduunyada ka socdana waynu la soconaa, markaa waxaan is leeyahay xukuumadeenu hadday dadaashay oo maanta ALLE kama dhigee dagaalkii 3aad hadduu Aduunyada ka dhaco, waxa noolaanaya ninkii wax la soo baxay.”
Sidoo kale xildhibaanku waxa uu ka warbixiyey deegaanka Agabar oo dhawaan ay ka dhacday arrin muran ka dhex dhalisay dadka deegaanka iyo shirkad kuwa macdanta qoda ah, dhacdadaas oo keentay dhimashada laba qof waxanu yidhi "Arrinta Agabar maaha kaliya wax Agbar uun khuseeya, waxay salka ku haysaa maalgashiga”
Gudoomiyaha guddi hoosaadka Amiga iyo nabad-gelyada ayaa ka hadlay khatarta ay leedahay markab siday shixnad ciidan oo uu ka mid yahay hubka fudud iyo gaadiidka kale ee dagaalka oo la sheegay in laga lee yahay dalka Turkiga kaasi oo ay deegaanka Raas-casayr oo ka tirsan gobolka Barri ay ciidmada ilaalada xeebaha ee Puntland ku qabteen. Waxana uu tilmaamay in arrintani ay khatar amni ku tahay gobolka, waxaanu xusay haddiiba ay timaado in hubkaasi uu gacanta u galo kooxa xajirka ah ay keeni doonto fidno hor leh oo ku timaad gobolka waxanu yidhi "Waxa nagu maqaalo ah in dawlada Puntland qabatay Markab Hub sida, kaas oo lagu qabtay xeebta Raas-casayr, arintaasi waxay tilmaamaysaa in la hubaynayo cid, ama argagixiso ha noqoto ama ciidamo kale in arrintaasi ay fidmo hor leh mandaqada ka abuurayso ayaa muuqata”.