Khataraha Badda Somaliland ku xeeran iyo Markab hub ah oo lagu qabtay Puntland.

Monday July 21, 2025 - 14:53:27
hadhwanaagnews
*Markabka Hubka sida: Maxaa Laga Ogyahay?


Badda Somaliland, oo dhererkeedu yahay ku dhawaad 859km, ayaa ah mid leh muhiimad istaraatiiji ah oo dhanka amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda gobolka ah. Si kastaba ha ahaatee, sannadihii u dambeeyay waxa isa soo tarayay walaaca laga qabo tahriibinta hubka sharci-darrada ah, mukhaadaraadka, iyo khatarta sii kordhaysa ee kooxaha xagjirka ah. Markab siday hub aad u badan oo lagu qabtay xeebaha Puntland ayaa si gaar ah u kiciyay walaac weyn, iyadoo su'aalo badan laga keenay cidda iska leh,
cida uu u socday, iyo cawaaqibta amni ee ka dhalan karta.

*Markabka Hubka sida: Maxaa Laga Ogyahay?

Markab loo malaynayo inuu ka yimid dalka Turkiga ayaa shalay lagu qabtay xeebaha Puntland, gaar ahaan dekedda Boosaaso, isagoo siday hub tiro badan iyo dabaabado dagaal. Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in hubkaasi uu noqon karo mid la doonayay in lagu xoojiyo kooxo hubeysan oo ka hawlgala gudaha Soomaaliya ama iyo Puntland (Daacish). Iyi kooxaha xagjirka ah iyo xuduudaha Somaliland oo hubkanu gaadho , sida kooxda Laascaanood ka dagaalamaysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, MR Aadan, ayaa si cad u dhaliilay go’aanka Qaramada Midoobay ee xayiraadda hubka lagaga qaaday Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid horseeday xasillooni darro, halkii uu taageeri lahaa nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo la dagaalanla kooxda alshabaab ee xagjirka ah.
Wasiirku wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in si degdeg ah dib loogu eego arrintan, maadaama ay khatar toos ah ku tahay Geeska Afrika.

*Su’aalaha La Isweydiinayo: Hubkani Yuu U Socday?

Markabkaasi wuxuu sababay in si weyn loo falanqeeyo suurtagalnimada in hubkaasi:

Loogu talagalay kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha Cal Madow, gaar ahaan agagaarka Laas Qoray, halkaas oo ay horey uga hawlgaleen kooxo xagjir ah Daacish.

Laascaanood, oo muddooyinkii u dambeeyay noqotay meel ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni iyo mid dagaal, taasoo laga cabsi qabo in hub cusub lagu sii huriyo dagaalo hor leh oo China iyo safiirada somaliya u joogta China ay ku lug leedahay iyo xasilooni darada iyo dagaalada bariga Somaliland ka socda.

Reer Saylac ama gobolka Awdal, halkaas oo markabku si gaar ah ugu soo dhawaaday xeebaha saylac iyo Lughaya. Tani waxay kicinaysaa su’aal ah: ma suurtagalbaa in gobolka Awdal uu bartilmaameed u ahaa oo la doonaayay in hubkan lagu rogo?

Mise wuxuu hubkani u socday kooxo ka tirsan Gedo ama kooxo beeleedyo, maadaama dhowr jeer baabuur hub sida lagu qabtay meelo kala duwan oo Soomaaliya ah?

*Ururka Saadaat iyo Doorka Turkiga uu ku yeelan karo markabkan hubka siday:

Waxaa jiray tuhuno ah in markabka laga leeyahay Turkiga, gaar ahaan in hubka uu xidhiidh la leeyahay Ururka Saadaat, oo ah urur lagu eedeeyo inuu tababaro kooxo xagjir ah isla markaana hoos yimaada xukuumadda Ankara ee Turkiga. Haddii arrintani ay dhab tahay, waxay ka dhigan tahay in Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika wajahaan halis cusub oo dibadda laga keeno , markabkan oo laga leeyahay dalka China-naha oo laga yaabo in uu hubkanu ku socday kooxaha xagjirka ah ee Daacish ee ka dagaalama Puntland.

*Dowladda Somaliland:

Ma Jirtaa Feejignaan Diblomaasiyadeed iyo Mid Sirdoon?

Markabkaasi wuxuu si toos ah u saameynayaa xasilloonida Somaliland. Waxaa muuqata in madaxda sare ee dalka — Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo Hay’adaha sirdoonka — laga rabo feejignaan, qorshe cad oo amni, iyo furista kanaallo diblomaasiyadeed oo lala yeesho beesha caalamka iyo qurba joogta iyo aqoon yahaniinta Somaliland iyo deriska.

Laakiin nasiib darro, waxa muuqata in madaxda Somaliland ay ka leexdeen ajandaha amniga, isla markaana aan laheyn kanaallo wax lagaga hadlo arrimaha badda, kuwaas oo muhiim u ah la socoshada dhaqdhaqaaqyada maraakiibta shisheeye ee ag mara biyaha Somaliland. Iyo Badda cas (Baab almadab).

Waa Bad muhiih u ah beesha caalamka iyo ganacsiga aduunka .

Xukuumada Somaliland kuma jiraan Ururka Badda cas oo cidi uguma jirto (waana arin aan sax ahayn) oo lala yaabo.
Waa inay jirtaa wada shaqeyn ciidamada Badda ee Somaliland iyo ciidamada Badda jooga ee European-ka ah .

Cali Biixi

[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...