Geedi Socodka Heshiiska MoUgii Ethiopia iyo Somaliland

Monday July 21, 2025 - 15:01:00
hadhwanaagnews
Halka Ethiopia u dhimanayso helitaanka marin badeed ay leedahay,



Diyaarinta heshiisyada masiiriga (strategic) ah waxay maraan heerar is daba socda oo farsamo, sharci iyo siyaasad ba leh oo inta badan qarsoodi ah kuna dhamaada saxeexa heshiiska iyo meelmarintiisa. Taasi waxay ka hortagtaa in caqabado lagala kulmo dhaqangelinta heshiiska, Ilaa hadda waxay u muuqtaa in xukuumada cusub ee madaxweyne Cabdiraxman Cirro ay si deggen oo ka firsasho leh ku wajahayso heshiis laga soo dheego isfahmkii (MoU) muranka badan dhaliyey ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Ethiopia bilowgii sannadkii 2023kii.

Ma jiro ilaa hadda heshiis kasoo baxay MoUga oo labada dhinac kala saxeedeen. Warka uu madaxweynahii hore ee Somaliland Muse Biixi keligiis kaga dhawaaqay goobtii MoUga lagu saxeesaayey ee ahaa in Somaliland ay Ethiopia ka kiraynayso 20 kilomter oo bad ah muddo 50 sano taa bedelkeedana Ethiopia noqonayso dalka ugu horreeya ee Somaliland ictiraafa wuxuu ahaa war aan sugneyn oo dhinac ah. Waxay u badan tahay in warkaas madaxweyne Biixi goobta ka sheegay uu ahaa mid la isla soo qaaday intii ay socdeen wadahadaladii MoUgu.

Inkastoo yartahay xogta rasmiga ah ee laga hayo qodobada isfahamka (MoU) ee laga duulayo, haddana heshiis kasta oo ka dhasha waxa laga filayaa inuu noqdo mid u horseeda labada waddanba xaqiijinta himilooyinkooda masiiriga ah.

Halka Ethiopia u dhimanayso helitaanka marin badeed ay leedahay, Somalilandna waxay muddo dheer u goolmoonayd inay hesho ictrraaf ay beesha caalamka kaga mid noqoto.

Ethiopia marar badan ayey ku celcelisay siday uga go’an tahay helitaanka marin badeed ay iyadu leedahay taasna ay u marayso xoog iyo xeelad marba kii loobaahdo.

Waxa Iyana muuqata in quwadaha dunida ugu waaweyn oo ugu horreeyo Fransiisku ku taageersan yihiin Ethiopia ka dhabaynta rabitaankeeda.

Dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida, Ethiopia oo ku sugnayd xaaladan bad la’anta ay hadda ku sugan tahay oo kale waxay ku guulaysatay iyada oo gacan ka helaysa dawladihii ku guulaystay dagaalka gaar ahaan Maraykanka iyo ingriiska inay si tartariib ah oo xeeladaysan ku qaadato Eritrea oo ahayd maxmiyad Talyaanigii lagu jebyey dagaalka, sidaana ku hesho bad dheer oo ay leedahay, November 1961kii.Halgan qadhaadh oo muddo dheer qaatay ka dib, Eritrea dib ayay ula soo noqotay xoriyadeedii 1993kii, Ethiopiana dib ayay ugu noqotay xaalidii bad la’aanta ahayd.

Heshiis kiro (lease agreement) badeed oo dhexmara Somaliland iyo Ethiopia oo deris ahi sinaba ulama mid noqon karo heshiiskii uu Ingriisku ku kiraystay Hong Kong ama kii Maraykanku ku kiraystay saladhigyaduu ku lahaa Filibiin. Markii mudadii heshiisyadaasi dhammaadeen baahidii ay u qabeenna meesha ka baxday, Ingriisku wuxuu Hong Kong ku wareejiyey China, Maraykankuna waa ka guuray Filibiin.

Maadaama aanay suurto-gal ahayn in Ethiopia hesho bad ay leedahay ama ay kala dirto ciidankeeda badda aybase hubaal tahay inay sii xoojiso muddada uu socdo heshiisku 50 ama 100 sano intuu doono ha noqdee, waxan shaki ku jirin in Ethiopia ku hawl gelayso sidii baddaa laga kireeyey aakhirka ay u noqon lahayd mid ay mulkiyadeeda yeelato.

Marka xaalku sidaa u cad yahay, waa in si qotodheer oo cilmiyeysan loo lafaguraa helitaanka jid kale oo labada waddanba ku xaqiijyaan himilooyinkooda, jidkaasi ma noqon karaa Land for Sea .

La soco….

Abdi Roble

[email protected]

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...