Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdi Siciis Faahiye, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee gobolka Selel, dhanka abaaraha, nabadgelyada iyo isu socodka soohdimaha dalalka Somaliland Jabuuti iyo Itoobiya.
Guddoomiyaha Gobolka Selel waxaa kale oo uu ka hadlay wefti xubno wasiirro ah oo gobolka socdaal ku jooga una tegay soo qiimaynta iyo sahaminta dib u dhiska Masjidka ugu da’da wayn qaarada afrika ee Qibla-taynka oo Madaxweynaha Somaliland guddi u saaray dib u dhiskiisa oo la bilaabayo isla markaana uu guddoomiyuhu sheegay in qorshuhu yahay in uu dhammaado dib u dhiskiisu inta ka horraysa bisha Ramadaan ee soo socota.
Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdi Siciid Faahiye oo isagoo ku sugan xafiiskiisa Saylac xarunta gobolka Selel waraysi gaar ah Khadka taleefanka kusiiyay wargeyska Dawan, ayaa ugu hoggayn ka jawaabay su’aal laga waydiiyay xaaladda guud ee gobolka.
Waxaanu yidhi. "Guud ahaan xaaladda guud ee gobolku waa nabadgelyo wax dhibaato ahina kama jirto, gobolku waa gobol soohdimo xuduudeed la wadaaga dalalka Itoobiy aiyo Jabuuti, waana marin la iskaga gudbo markaa isku socodka sadexda dalba aad ayuu u wanaagsan yahay, dhanka Xariirad oo Itoobiya ah iyo dhanka Lawya-caddo oo Jabuuti ahba isku socodku wuu fiican yahay.”
Guddoomiye Faahiye oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladda abaartii deegaanka ka jirtay iyo gurmadka Xukuumaddu dadka gaadhsiiyay, ayaa yidhi. "Abaartii wali way jirtaa inkasta oo aanay sidii hore ahayn oo deegaanada qaar roobab ka da’een hanada wali way jirtaa xukuumadduna aad ayay ugu soo gurmatay dadka gobolkana dhawr goor ayaa dadkii abaaruhu heleen kaalmo la gaadhsiiyay imikana dhanka buuralayda ah oo roobabku ku da’een ayay dadku u guureen.”
Guddoomiyaha oo wax laga waydiiyay wefti wasiirro ah oo ku sugnaa gobolka maalmihii u dambeeyay iyo ujeedada socdaalkooda, ayaa yidhi. "Wasiiradu waxay Gobolka ku yimaadeen amar Madaxweyne oo waxay ku magacaaban yihiin Digreeto Madaxweyne waana guddi u xil saaran dib u dhiska Masjidka Qiblo-taynka ee magaalada Sayla coo ah Masjid taariihkiya oo la dhisay xilliguu Rasuulkeenu (SCW) ee qiblada salaaddu ay ahayd Masjid Aqsa waana ta ka muuqata magaca Masjidka oo ah Qibla-tayn,waanan kulanay waanan ka wada hadalnay weftiga socdaalkooda sahamintii ay doonayeen in ay sahamiyaan dib u dhiska masjidka iyo sida loo bilaabayo ayay u socdeen waxaanay noo sheegeen in qorshaha dib u dhiska Masjidku uu yahay in uu dhammaado intaanay soo gelin Bisha Ramadaan.”
ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdi Siciid Faahiye oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan,