Xildhibaan Qaasim Suleex Madar, oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa siweyn u soo dhaweeyay daambur dhigista wajiga labaad ee jidka isku xidha Baki iyo Borama, kaas oo xukuumaddu sirasmiya u bilowdey daambur dhigistiisa shalay.
Waxa uu intaas ku darey in dhismaha jidka Baki iyo Borama, ay wax weyn ka tari doonto haddii ILLAAHEY yidhaahdo iib-geynta wax-soo-saarka ay hodanka ku tahay degmada Baki, sidoo kale uu fududeyn doono isu-socodka degmooyinkaasi.
Xildhibaan Qaasim sidoo kale waxa uu guul qaran ku tilmaamey daambur-dhigista jidka isku xidha Baligubadle iyo Hargeysa, kaas oo wajigii kowaad la saaray 15 Km, waxaanu xusay in madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cirro), ka dhabeeyay balantii uu uqaadey bulshaweynta Somaliland, ee ahayd horumarinta dhismaha kaabayaasha xagga dhaqaalaha.
Jidadkan ayaa kaalin libaaxle ka qaadan doonta kor u qaadista dhaqaalaha Baki iyo Baligubadle, maadama ay yihiin kuwo hodan ku ah dhinaca beeraha iyo xoolaha, dhanka kale waxa ay meesha ka saari doonta hirgelinta jidadkani caqabadihi hortaaga iibgeynta wax soo saarkooda iyo sidii ay suuqyo ganacsi ugu heli lahaayeen.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Madaxeyne ku xigeenku ay ka dhabeeyeen balanqaadyadii xillligi ololaha ee xukuumadda wadajir iyo waxqabad ee ahayd in bulshadu ujaheysato dhinaca horumarka iyo barwaaqada.
Xidhibaaan Qaasim Suleex waxa uu ka hadlay abaaraha ku dhuftey gobollada Awdal iyo Sellel, waxaanu bulshada ka codsaday in loo gurmado.