Waxaanu yidhi. "Guddidan waxa ay si joogto
Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), guddoomiyaha guddida Shareecada Diinta, Dhaqanka iyo Qoyska ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaciyay qorshe muhiim ah oo ay guddidoodu wado, kaas oo la xidhiidha samaynta xeer rasmi ah oo lagu hago hawlaha culimada Qaranka iyo guddida wanaag farista iyo xumaan reebista.
Xildhibaan Batuun ayaa sheegay in guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu ay si firfircoon uga hawlgasho dhammaan lixda gobol ee dalka, taas oo muujinaysa doorkooda qaran, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in loo sameeyo xeerar sharciyeed oo hagaya shaqadooda.
Waxaanu yidhi. "Guddidan waxa ay si joogto ah uga hawlgalaan gobollada dalka, waana hay’ad muhiim ah oo door muuqda ku leh, wacyigelinta iyo anshax-wanaagga bulshada uu weyn yahay.
Sidaa darteed, in aanu xeer rasmi ah u samayno waa arrin mudan oo aan ka baaqsan karin,”
Xildhibaan Barkhad Batuun, waxa uu xusay in guddidiisu ay ku shaqeyso, isla markaana ka mid tahay guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada, iyadoo si gaar ah u qaabilsan ilaalinta Shareecada Islaamka, dhaqanka suuban iyo qiyamka qoyska.
Waxaanu yidhi. "Sida waafaqsan qodobka 71-aad ee Dastuurka, goluhu waxa uu awood u leeyahay curinta xeerarka, guddidani waxa ay ka mid tahay guddiyada golaha, una qaabilsan shareecada, diinta iyo dhaqanka sidaasi darteed in shuruucda dalka saldhig ay tahay Shareecadeena sharafta le ee Islaamku, wixii iyada ka hor yimaadana uu yahay waxba kama jiraan.”
Xildhibaan Barkhad Batuun wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in dastuurku si cad u qeexayo kaalinta culimada Qaranka, gaar ahaan qodobada 115 iyo 119, kuwaas oo tilmaamaya in culimadu yihiin laf-dhabarta bulshada, aqoonta, iyo wacyigelinta diimeed.
Waxaanu yidhi. "Qodobada 115, 119, ee dastuurka JSL, wuxuu qeexaya guddida culimada Qaranka, maadama culimadu Laf-dhabar u tahay cilmiga, bulshada, iyo aqoonta diiniga ah, isla markaana ay kaalintii Ambiyada ay ku jiraan.”
Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa firqooyinka diimeed ee dalka kusoo kordhay ay u baahan yihiin hannaan sharciyeed oo culimada si rasmi ah uga qaybgaliso xalinta iyo wacyigelinta bulshada.
"Maadama dalka khilaafyo waa weyn oo siyaasiya iyo kuwa ku takhaluqa firqooyinka iyo arrimaha shareecada, nolosheena, ay mudadan danbe soo kordhayeen, waxaanu guddi ahaan garaneyn in aanu sameyno xeerkii culimada Qaranka JSL.”
Gaba-gabadii Xildhibaan Batuun wuxuu ugu baaqay culimada in ay talooyinkooda iyo tusaalooyinkooda la wadaagaan guddida, si loo helo sharci dhammaan dhinacyada diinta iyo dhaqanka waafaqsan, isla markaana markasta golahoodu ufuran yahay.
Waxaanu yidhi."Sidoo kale Culimada waxa aanu ku wargelineyna in wixii tallo iyo tusaale ahba uu markasta idiin furan yahay”