Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid oo ku Baaqay Dhisidda Guddida Qaran ee Ictiraaf-raadinta Somaliland

Sunday August 03, 2025 - 16:06:27
hadhwanaagnews
Waxaanu yidhi."Marka ay noqoto arrinta ictiraaf-raadinta,

 Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid, Guddoomiyaha Guddida arrimaha dibadda ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si cad uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la dhiso Guddida heer Qaran ee u xilsaaran arrimaha ictiraaf-raadinta Somaliland, taas oo lagu hormarinayo dadaallada loogu jiro aqoonsiga caalamiga ah ee dalka.

Xildhibaan Siciid ayaa sheegay in guddida arrimaha dibadda ee Golaha Wakiillada ay soo jeediyeen qorshe ballaadhan oo ku saabsan sameynta guddidaas qaran, isaga oo intaas ku daray in tallaabadaasi ay tahay mid ka timaadda Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha, maadaama arrintani tahay mid u baahan iskaashi iyo go'aan siyaasadeed oo heer qaran ah.

Waxaanu yidhi."Marka ay noqoto arrinta ictiraaf-raadinta, Guddida arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiiladu, waxay soo jeediyeen in la sameeyo Guddida heer qaran ee ictiraaf-raadinta Somaliland.
Taasina waa mid ay tahay inay ka soo fusho Xukuumadda, gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland, waayo waa Guddi Qaran,”

Guddoomiyaha Guddida arrimaha Dibadda ayaa xusay in arrinta ictiraaf-raadintu aanay ku ekaanin kaliya wasaaradda arrimaha dibadda, balse ay tahay arrin baaxad leh oo u baahan ka qaybgal ballaadhan oo qaran, si loo mideeyo dadaallada iyo istaraatiijiyadda lagu gaadhi karo aqoonsiga buuxa ee Somaliland.

Waxaanu yidhi."Arrinta ictiraaf-raadintuna way ka ballaadhan tahay wasaaradda arrimaha dibedda, waxayna u baahan tahay in si heer qaran looga wada qaybqaato oo guddi qaran la sameeyo,”
Xildhibaanka ayaa sheegay in guddida arrimaha dibadda ay horey ugu gudbiyeen talooyinkooda ku saabsan sida loo dhisi karo guddidaas, isla markaana ay diyaar u yihiin inay taageeraan hirgelinta qorshahan muhiimka ah.
Dhisidda guddidan qaran ayaa loo arkaa talaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland, iyada oo lagu mideynayo khayraadka siyaasadeed, farsamo, iyo midka bulshada rayidka ah si looga gudbo caqabadaha jira.

Guddidaasi waxa ay ka shaqeyn doontaa horumarinta istaraatiijiyad mideysan, kormeerka iyo hagidda hawlaha kala duwan ee la xidhiidha raadinta aqoonsiga, iyo wacyigelinta bulshada caalamka iyo heerarka siyaasadeed ee muhiimka ah.

Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid ayaa ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee dowladda iyo bulshada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrintan muhiimka ah, isagoo sheegay in midnimada iyo iskaashigu yihiin furaha guusha ee ictiraaf-raadinta Somaliland.
     
Loading...