Madaxweyne ku xigeenka Filibiin Sara Duterte ayaa wajahaysa dacwad xilka qaadis ah oo ka socota aqalka senate-ka. Madaxweyne Ferdinand "Bongbong” Marcos Jr iyo ku xigeenkiisa Sara Duterte, oo uu dhalay madaxweynihii xilka tegay ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf xooggan iyo dagaal xoog leh.
Isbahaysiga Marcos jr, waxay guul weyn ka gaadheen doorashadii ugu dambeysay ee madaxtinimo ee 2022-ka. Laakiin mudadii u danbaysay waxa burburayxidhiidhkooda waxaana Marcos jr uu ku eedeeyay inay ugu hanjabtay inay dili doonto, wuxuu ku eedayay xil gudasho la’aan, waxayna ugu hanjabtay inay madaxa ka jarto. Doorashada xilliga dhexe loo yaqaan ayaa noqotay halbeeg xasaasi ah oo ka tarjumaysa awoodda labadan nidaam ee siyaasadeed.
Iskasta oo Madaxweyne Marcos jr iyo xulafadiisu ay heleen kuraasta inta badan Natiijaduna may ahayn war wanaagsan. Sida caadiga ah madaxweynayaasha hadda xilka haya ee Filibiin waxay helaan inta badan doorashadooda senate-ka ee lagu doorto doorashada xilliga dhexe.
Senatarada waxaa lagu soo doortaa si fudud, codeyn dalka oo dhan ah, taas oo tilmaan wanaagsan u ah ra’yiga qaranka. Natiijadu waxay wiiqi kartaa awoodda maamulka Marcos saddexdii sano ee ugu dambeysay ee waqtigiisa, waxayna shaki gelineysaa qorshaha lagu doonayo in lagu wiiqo Sara Duterte iyada oo xilka lagu qaadayo.
Xidhiidhka Marcos-Duterte ayaa sii xumaanayay ku dhawaad bilowgii maamulkooda saddex sano ka hor. Laakiin sanadkan uun bay ahayd markii uu si buuxda u dillaacay.
Go’aanka ay asxaabta madaxweynaha ee Congress-ka ku bilaabeen xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka ayaa ahaa jebinta ugu horeysay ee aan laga soo kabsan karin.
Sanadkan bishii Maarso ayuu madaxweyne Marcos u diray, madaxweynihii hore ee Rodrigo Duterte, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada si uu u wajaho eedeymaha dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada ee ka dhashay dagaalkii arxan darada ahaa ee uu ku qaaday daroogada. Booliska ayaa sidoo kale hadda ku soo oogay dacwad dambiyeed.
Dagaal kacmaha laysula tegay ayey noqotay, waxaana la go’aamiyey Xil ka qaadista Sara Duterte oo ay ka dhalan doonta in laga mamnuuco xafiiska guud, taas oo soo afjaraysa hamigeedii ahaa inay beddesho madaxweyne Marcos doorashada soo socota.
Hadda iyada ayaa ah musharaxa ugu horreeya ee Senate-ka ah, haddii ay ku guulaysato, waxay u isticmaali doonto awoodda madaxtinimada si ay uga aargoosato Marcos.
Laakiin xil ka qaadista ayaa u baahan saddex meelood laba meel 24-ka kursi ee senate-ka inay u codeeyaan, waana sababta doorashadan xilliga dhexe ay aad muhiim ugu tahay labada garab.
Siyaasadda Filibiin waa ganacsi qoys. Mar haddii qoysku hanto awood siyaasadeed, wuu ku dheggan yahay, oo jiilashiisa ayuu u sii gudbiyaa.
Iyada oo ay jiraan ilaa 200 oo qoys oo saameyn leh, Dutertes iyo Marcoses waxay fadhiyaan meesha ugu sarreysa ee Ahraamta.
Reer Marcos waxay siyaasadda ku jireen 80 sano. Aabbihii madaxweynaha hadda talada haya ee 1965-kii ilaa 1986-kii, wuxuu soo rogay sharci dagaal, wuxuuna ka dhacay balaayiin doollar oo uu ka dhacay kiishad qaran.